Waxaan Kusoo Arkay Somaliland Qallinkii: Yusuf Budle

0
79
Yusuf Budle

Su’aal: Haddii aanu reerkaagu qaldanayn oo aan been la isku sheegayn, maxaa muxaafid ka wada dhigay? Haddii aanu reerkaagu qaldanayn oo aan been la isku sheegayn, maxaa mucaarid ka wada dhigay?

Su’aalahaas waxa is weydaarsanayay inan yar iyo abtigeed oo doodayey mar aan si kedis ah u ag fadhiistay, aniga oo aad u gaajaysan oo kursi kale oo banaan ka waayey maqaaxi aan rabay in aan ka cunteeyo oo ku taala magaalada Berbera/Somaliland.

“Cuntada intaanad dhadhamin urteeda ayaa ama kusoo jiidata ama abateedka kaa xidha. Ma hubo inaan ka helay waxa iiga soo uraya S/land”, gabadhii yarayd oo aan da’deeda ku qiyaasi karo 17-19 jir ayaa kusoo xidhay doodeedii…

Kelmadahaasu waxa ay igu reebeen fikir dheer, dib u xisaabtan iyo cabsi badan.

“Waxa Mareexaan qoxooti ka wada dhigay waa markay is qabanwaayeen ee ay dhaldhalaalka runta moodeen. Haddii Habar hebel is qaban waydo, walee inaan Land Cruiser daaqado madoow la wadanayn, Maansoor iyo Ambassador-na cunto lagu futaynayn” Odaygii ayaa ay doodiisu ku xidhantay isaga oo xanaaqsan.

Kursigii ayaan si degdega uga kacay, si aanan dooda iyo dagaalka qayb uga noqon…..

Markaan gaar u baxay ee aan meel kale oo kulul jujuubtay ayay maskaxdaydii nafisi weyday. Waxaan ku dawakhay doodan qabiileysan ee xanaaqa gaadhay waxa dhexdhigay gabadh 17-19 jir ah iyo abtigeed rumaad ( waa sida aan mudalabkii ka xansadee) oo aan ku qiyaasi karo da’diisa ilaa 55 jir, waxbarasho fiican leh.

Waxa maskaxdaydii soo hormaray oo ka dhamaan waayey fikir xisaabi ku jirto iyo inaan maskaxdayda ugu garnaqo inanta iyo odayga, hadda waa anigoo keligay ahe.

………. Majeerteen 1950 ilaa 1969 (19 sano) ayay dhargeen oo ay ku kibreen ilaa kibirkii ay iyagu inankoodii ( C/Rashid Cali Sharmarke) gacantooda ku toogteen, Mareexaan 1969-1990 ( 21 sanno), ayay suxuuntii cuntada ku xaareen illaa nabsigii qabtay. Maanta Isaaq ayay maraysaa oo 27 sanno kadib is kala garan la’ oo suxuun kuxaarkii bilaabay. Bal eeg beentan reer ( habar) walbaa gaarka isagu sheegayo ee xaqiiqadii noqotay “Been been u sheeg”. Habar keliyi xukuumad ma noqon karto ( yes, waxbaa qaldan), reer keliyi mucaarid ma wada noqon karo, kursina kuma soo dhacsan karo ( yes, waxbaa qaldan).

Aqoonyahankii reerka noqday ee shahaadadihii aduunka uu kasoo qaatay ka maydhi wayday qabyaalada, waxaba kasii daran culimadan kitaabkii iyo xadiisyadii ku dabaqaya danta reerkooda ( Khudbaddii Jimcahii shalay ayaa Sheekha reer Berbera nagu waaninayey in DP-World lasoo dhaweeyo oo diintu inoo sheegayso in aan fulino heshiisyada xukuumadaadu gasho). Majeerteen marbuu talinayey, Mareexaan marbuu talinayey. Itoobiya, Axmaaro marbay talinaysay, Tigree marbuu talinayey, maantana Oramaa talinaysa. Nuxurka taariikhdu waxa ay tahay ” Waarimayside war hakaa hadho”. Nin/Reer aan kursiga ku waarayn yaan dalka loo baabiin.

Intaa marka ay maskaxdaydii rogrogayso waan isla maqanahay oo keligay ayaa cirka eegaya. Waxaan kusoo baraarugay odaygii oo kor u qaylinaya oo sii kacaya..

“Madaxtooyo, agaasime guud, xoghaynta gaarka ah, makhal-hayaha, khasnajiga weyn, dhulxaaqaha ilaa beer waraabiyuhu reer qudha wada yahay S/land horay Siyaad Barre uga diidey.

Hoostaan ka idhi: Waar ninku run weynaa, kuwan dalka qabsaday sowkuwan meeshiiba kharibay… Miyaanay isla xishoonayn. Toloow wax qabta oo tolkooda miyey waayeen…… Reerku doqonsanaa miyaanay odayaal qabta lahayn?

Intaas marka aan marayo ayay maskaxdaydii 360 degree igu soo kala firaysay: Wait a minute, reerkan meesha ka waalay waa reerkiinii, oo kaalay, reerkiinu ma sidaasu u liitay ayba is qaban la’yihiin….. walee waa la ceeboobay. Waar malaha waxaas dadku idinkamay yeeleenee, sidaas uma sii fool xuma? Maya, maya, tanu way xadhka goosatay oo waxay gaadhay xiligii umada laga qaban lahaa…. Walee inaanay kuwanu siddii Mareexaanka noo qixinaynin.

Intaas aniga oo rogrogaya, dhididkuna dharkaygii wada qooyey ayaa waxa aan hadana kusoo baraarugay gabadhii oo iyadna abtigeed kasii daba qaylinaysa:

“Mucaarid Gudoomiyaha, xoghayntiisa, dirawalkiisa, security-giisa, golihiisa qarsoon ay isku wada reer yihiina horaa loo soo arkay ( SSDF iyo C/lahi Yusuf), inaanay waxba soo dhicin karina waynu ognahay. Yaa idinka qabyaalad badan….

Hadana fikirkii ayaa ila tegay markiiba: Walaahi waa runteedoo kuwanba ma dhaamaan. Waar yartu caqli badanaa…… toloow waxanoo taariikha xagay kasoo akhriday wakhtigaa mabay jirine? Kolay, aabaheedbay warkaa kasoo agqaatay, laakiin meesh ay doonto haka keentee waa war run ah…..

Waxa aan mar kale kusoo baraarugay cunto la isoo hordhigay iyo inankii oo i weydiinaya, sharaabkii iigu celi waxaad dalbatay waan ilaabee… Jawaab degdeg ah kadib waxa aan ku noqday fikir aan hada soo jeedo oo aan xisaabinayo meesha ay wax marayaan S/land.

Hore loo arag ( Deja-vue)

Waxa la moodaa marka ay Afrikaanka qaar dhergaan in maskaxdiiba shaqayn waydo oo la galo wakhti khiyaaligu runta ka qurux badnaado. Marka Soomaalida lasoo hayo waxa bata laba kooxood: (1) Reer walbaa waxa uu samaystaa Awoow awliyo noqda oo la siyaarto, reeruhuna waxay ku tartamaan inta neef ee lagu qalo awoowgood hebel oo weli siraata ahaa. (2) Fanka, heesaha, gabayada, cawaysyada oo aad u bata, waayo dadku waxa ay rabaan wax ay isku iloowsiiyaan madax-xanuunka iyo noloshan bilaa jihada ah.

Labadiiba waxa aan ku arkay S/land. Reerkayaga oo hal oday la siyaaran jiray 1960, waxa ay u kala baxeen 7 Awliyo ( 1982-88). Maanta 7dii awliyo ee sideetamaadkii waxa ay usii kala baxeen 12 Awoow-Awliyo ( 2016-2018). Waxaan xasuustaa silsiladihii Siinleyda, Deelayda, cawaysyadii kooxihii Durdur, Danan iyo baararkii caweyska….( 1982-90).

Waxa aan dib u xusi karnaa ( 1961-64) dhacdooyinkii “Siyaarooyinka Awliyada iyo kooxihii fanka ee is ag socday markii niyadjabka badani ku yimid dadkii reer woqooyiga ahaa ee ku hungoobay iskudarsigii koonfurta.

Adigaa ka jawaabi meeshaan u socdo. Uurka (Hooyada uurka qaada) ayaa si fudud loo saadaalin karaa in 9 bilood ilmuhu ku dhalanayo, laakiin wax yarna ka horayn karo, wax yarna ka dambayn karo. Todoba (7) ku dhalawna waa dhici karaa…

Hadaba, miyaan odhan karnaa 20neeyihii sanno ee dherigu ku karayey ayaynu taaganahay oo wax joojin karaa ma jiro ee foosha xun’uun aan dhawrno. Mise waxaan odhan karnaa doorkan caqligaa koray, ragbaa u dhashay oo dherigu intaanu karin ayaan aqoonteedii yeelanay siddii aan u demin lahayn dabka.

Guul Allaa leh.

Yusuf Budle

LEAVE A REPLY