“Waxaa noo qorshaysan in aanu 2020-ka hoos u dhigno shilalka gaadiidka”.. Wasiirka gaadiidka Somaliland

0
1033
Wasiirka Gaadiidka Cabdillaahi Abokor Cismaan

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinya jidadka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in ay sanadka soo socda qorshaynayaan sidii hoos loogu dhigi lahaa dhibaatadda ay gaystaan shilalka gaadiidku.

Wasiir C/laahi Abokor Cismaan, waxa uu sheegay  in iyagoo kaashanaya shuruucda wado-marista iyo qalab casriya in ay doonayaa in boqolkiiba konton (50%) ay yareeyaan shilalka gawaadhiga oo sanad kasta sababa khasaar balaadhan oo nafeed iyo mid hantiyeedba.

Wasiirku waxa uu sidan ka sheegay kadib kulan xog waraysi ah oo ay maanta la yeesheen guddiga nabadgelyadda ee golaha Guuriyadda Somaliland.

 

Kulankaasi oo ka qabsoomay xarunta golaha Guurtidda ayaa mudaneyaasha guddiga nabadgelyadda Guurtidu waxay wasiirka wax ka waydiiyeen arrimaha shilalka gaadiidka oo mudooyinka danbe aad u soo badanayay.

C/laahi Abokor, oo kulankaasi kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in guddiga nabadgelyadda Guurtidda ay kulankaasi iskula soo qaadeen arrimo khuseeya xaaladda guud ee wasaaradda iyo waxyaabaha uga meel yaala yaraynta dhibaatooyinka gaadiidku sababaan.

Isagoo faahfaahin ka bixinayay kulankaasi waxa uu yidhi  “Maanta waxaa ii yeedhay guddiga nabadgelyadda ee golaha Guurtidda, oo iga xog waraystay xaaladda guud ee wasaaradda gaar ahaana shilalka gaadiidka, oo aad ugu badan dalkan Somaliland.

Waxyaabihii aanu ka qabanay iyo waxyaabaha noo qorshaysan in aanu wax kaga qabano, waanan uga waramay”.

Mar uu ka hadlayay qorsha wasaaradda ee ku aadan sidii hoos loogu dhigi lahaa shilalka baabuurta iyo tabta ama dariiqa ay u isticmaalayaan, waxa uu yidhi  “Waxaan rejaynaynaa in aanu sanadka soo socda ee 2020-ka hoos u dhigno shilalka gaadiidka.

Anagoo isticmaalayna xeerar iyo qalab fara badan oo aanu dhakhso u keenayno dalka, oo lagu xakamaynayo xawaaraha gawaadhida.  Saddex sababood ayuun baa ugu waaweyn shilalka gaadiidka. Sababta koowaad waxay tahay, gaadiidka marka hore-ba dalkeena yimaadaa waa kuwo la soo istcimaalay.

Sababta labaad-na waa wadooyinka oo Gaboobay, oo wakhtigoodu dhamaaday, oo Godad yeeshay iyo sababta saddexaad oo ah xagga aqoonta derawaliinta gawaadhiga oo aad u hoosaysa. Kuwaasoo ay wasaaradu wax ka qabatay, qorsheyaal cayimana ay ka leedahay”.

Geesta kale C/laahi Abokor Cismaan, waxa uu tilmaamay in shilalka gaadiidku ay caalamka oo dhan dhibaato ku yihiin, isla markaana sanad walba ay dad iyo hanti badan galaaftaan.

“Shilalku waa musiibo caalami ah. Qiyaas ahaan sanadkii in ka badan hal milyan iyo saddex boqol oo kun ooqof ayaa ku dhinta, caalamkoo dhan. Inagu-na (Somaliland) qayb  ayaynu ka nahay.

Laakiin, waxaa muhiim ah sidii aan wax uga qaban lahayn in loo kaco, iyadoo masuuliyadda koowaad ay leedahay wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadku. Balse masuuliyad wadareed ayaa jirta”ayuu yidhi wasiirka gaadiidka iyo wadooyinka.

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Md. Cabdillaahi Abokor Cismaan

 

Waxa kaloo uu wasiirku intaas raaciyay in khibrad yaraan ay haysato derawaliinta gaadiidka intoodda badan, isla markaana derawaliinta Liisamadda u soo doonta wasaaradda marka tijaabo laga qaado ay dhacaan ama guul daraystaan.

Waxaanu yidhi  “Derawaliinta Liisamadda soo doonta boqolkiiba todobaatan (70%) marka imtixaan ama tijaabo laga qaado way dhacaan. Sababta-na garan mayno.

Shuruucdii wado-marista ayaanay dadkeenu aqoon u lahayn iyo taxadiirkii masuuliyadeed intaba”.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here