“Waxaa noo qorshayn sidii waxbarashadda dugsiyadda Loogu Dari Lahaa Caafimaadka”…

0
698

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa shaaciyay in ay qorshaynayaan sidii waxbarashadda dugsiyadda dalka loogu dari lahaa barashadda caafimaadka aasaasiga ah.

Dr. Cumar C/laahi Bile, waxa uu sheegay in haddii waxbarashadda dugsiyadda lagu daro qaybta caafimaadka in taasi ay kor u qaadi doonto wacyiga dhinaca caafimaadka ee bulshadda Somaliland.

Wasiirka caafimadku waxa uu sidan ka sheegay kadib kulan is xog waraysi ah oo ay maanta la yeesheen guddi hoosaadka arrimaha bulshadda ee golaha Wakiiladda Somaliland.

Kulankaasi oo ka qabsoomay xarunta golaha Wakiiladda ee Hargaysa ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa warbaahinta uga warbixiyay wasiirka caafimaadka Cumar C/laahi Bille.

Waxaanu yidhi “Kulankaasi si guud wuxuu ahaa is xog waraysi, maadaama wasiir wasaaradda caafimaadka ku cusub aan ahay.  Qorsheyaasha aan doonayo in aan ku hago wasaaradda, wixii mushkilado ah ee aan arkay mudadda aan joogay iyo wixii aan is leeyahay waa lagu xalin karaa”.

Wasiirku waxa uu ka warbixiyay qorsheyaasha wasaaradda caafimaadka ee la xidhiidha sidii guud ahaanba bulshadda loo gaadhsiin lahaa adeega caafimaadka iyo sidoo kale intii uu wasaaradda joogay waxyaabaha caqabadaha ah ee uu arkay.

 

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Adeega caafimaadka sidii dalka loo wada gaadhsiin lahaa guud ahaan Miyi iyo magaalaba waa caqabad. Adeega caafimaadku waa laba qaybood, ka u horeeyaa waa midka aasaasiga ah ee ay helaan hooyadda iyo dhalaanku, oo u baahan dadka la wada gaadhsiiyo.

Intii ay Somaliland jirtayna waxaan ku guulaysanay in aan adeegaas wada gaadhsiino. Inkastoo aanaan ku qanacsanayn halka uu taagan yahay, hadana waxaan ku dedaalaynaa in kor loo qaado.

Ta labaad, Hargaysa iyo magaalooyinka kale ee dalka waxaa ku yaalla cusbitaalo waaweyn. Hase yeeshee cusbitaalka guud ee Hargaysa oo kale waxaa la dhisay xiligii uu Ingiriisku joogay, markaa waxaa loo baahan yahay in la balaadhiyo, loona casriyayn lahaa.  Una noqon lahaa mid is bixiya, oo aan u baahnayn in la kabo”.

Geesta kale wuxuu sheegay in ay u qorshaysan tahay sidii wacyiga dhinaca caafimaadka ee bulshadda Somaliland kor loogu qaadi lahaa, isla markaana waxbarashadda dugsiyadda loogu dari lahaa  barashadda caafimaadka.

“Waxaan ku dedaalaynaa in bulshadda reer Somaliland caafimaadkoodda la baro, oo lagu dhigto dugsiyadda, oo manhajka ardayda loogu darro. Taasi lafteedu waxay yaraynaysaa xanuunadda dadkeena ku dhaca”ayuu yidhi wasiirka caafimaadka Somaliland.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here