“Waxaa lagama maarmaan ah inaan Xaga Allah u cararno oo aynu Kaligii baryadeena ku koobno” Amb. Kaysar Cabdilaahi

0
1120

Maanta oo kale ayay Muuqataa Walaalnimada, Wadaniyada, Islaamnimada, Tolniimada,is Jacaylka, isu Naxariisashada iyo Hogaaminta Suuban ee Dawladeed ee Xukuumada iyo Shacbiga Jamhuuriyada Somaliland.

Saaka ayay ahayd markii Shacbiga reer Somaliland ee ku Nool Dunida Dacaladiisu ay ku baraarugeen Xanuunka kedisada ah ee ku soo booday Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani oo Ka mid ah Tiirarka ugu Waaweyn ee uu Qarankeenu uu leeyahay, isaga oo ah Suldaan Qiimo badan oo ka soo jeeda Saldanad Fac Weyn oo dadkeedu ay ku nool yihiin Dalalka Somaliland, Soomaaliya,Itoobiya, iyo Caalamka Dacaladiisa.

Isaga oo Waajibkiisa Madaxweynanimo iyo Islaamnimo gudanaya ayaa isla Subaxdii maantaba uu Cisbitaalka uu ku booqday Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyada oo Sulaanku uu xaalad adag ku sugnaa, kuna jiray xaalad miyir doorsoon ah, sidoo kale Masuuliyiinta Dawlada iyo Hormuudka Bulshada iyo Muwaadiniin tiro badan ayaa ku yaacay Cisbitaalka uu Suldaanku ku jiray ee loo yaqaan International Hospital oo dacalka Waqooyi ka xiga Madaarka Magaalada Hargeysa. Waxaa markiiba Warkii uu ku fiday Dunida Dacaldeeda.

10440795_10206416322600738_8442061094407891851_n

Mar qudha ayaa Ducada la isla oogsaday oo Qof Waliba uu Raxmaanka Awoodda badan uu ka baryay inuu Suldaanka Caafimaad Degdeg ah siiyo. Waxaa Sawirka ka Muuqda Madaxweyne Siilaanyo iyo Maayor Xigaha Hargeysa oo Ducada la Dul taagan Suldaanka oo miyir doorsoon ku jiray, waxaa kale oo Shacbiga reer Somaliland Xukuumad iyo Shacbiba ay gacmaha kor u tageen oo ay Allah Raxamaanka ah ka Rabbi tuugeen inuu Shaafiyo Suldaanka.

Allah Mahadi haka gaadhee waxaa war Bushaaro ah oo lagu farxay Laguna Qalbi qabawsaday Ummada ugu bushaareeyay Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha ee Qaranka Somaliland Dr. Cabdi aw Daahir oo tan iyo intii Xanuunka Suldaanka la sheegay aan mar qudha nasan ee Suldaanka dul taagnaa. Waxa uu Wasiirku bulshada ugu bushaareeyay inuu Suldaankii Allah Caafimaad uu siiyay oo uu Miyir Doorsoonkii ka baxay.

Waa war lagu Farxay oo muujinaya in Ducadeenii uu Rabbi Aqbalay, Waxay tani ka turjumaysaa in marka Ummadu ay u midowdo in Xaga Allah ay u Cararto oo Allah oo qudha ay Barido in uu Allah Jawaab Degdeg ah siinayo. Waana taas uu uu Allaha Naxariista badani kagaga jawaabay Ducadeenii iyo baryadeenii.

Waxaa lagama maarmaan ah inaan Xaga Allah u cararno oo aynu Kaligii baryadeena ku koobno. Waxaa Hubaal ah in Allah agtiisa aynu Jawaab degdeg ah ka heli doono. Marka aynu Allah xagiisa aynu u yaacno ee aynu niyad wanaagsan ku barino waxa aynu Allah ka helaynaa Jawaab Degdeg ah oo aynu ku Faraxno. Waxaa Waajib inagu ah inaynu nidhaa Allahayow Iyaaka Nacbudu wa Iyaaka Nastaciin. Allahayow Adiga ayaanu ku Caabudaynaa, adiga ayaana aanu Kaalmo kaa sugaynaa.

Ugu danbayn waxaan u Mahadnaqayaa Shaqaalaha iyo Dhakhaatiirta Cisbitaalka International Hospital gaar ahaa Dhakhtarii habeenkii Xalayto Madaxa Heegganka Dhakhaatiirta ku qornaa Dr. Fuaad Cabdisalaan Cabdisalaan oo ilaa Xalay Ilaa maanta Suldaanka dul taagnaa Isaga iyo Dhakhaatiirta kale ee Geesiyaasha ah Cisbitaalkaas oo wax weyn ku soo kordhiyay Dalkeena.

 

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here