Wasiiru Dawlihii Duulista ee Xukuumadii Hore oo Hambalyo iyo Baaq u Diray Dawlada Cusub

0
1096
Wasiiru Dawlihii Duulista Axmed Cali Maxamuud (Baynax)

Hargeysa (HargeisaPress) —Wasiirudawlaha Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka ee Xukuumadii hore Axmed Cali Maxamuud (Baynax) ayaa Hambalyo u diray Golaha Wasiirada Dawlada Cusub iyo Madaweyne Muuse Biixi Cabdi, sidoo kalena Shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan.

Wasiirka oo shir jaraaid ku qabtay xafiiskiisa ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidatan:-“Waxaan Qaranka reer Somaland iyo Umadiisaba maanta halkan aan hambalyo uga dirayaa Dawlada cusub ee u dhalatay ee uu soo xulay Madaxweyanaha cusub ee ay dooranay Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa aynu u rajaynaynaa Dawladaa cusub ee inoo dhalatay mid halkaa ka sii anba qaada Qarankan hore u socda, mid aynu ku badhaadhno, mid aynu ku liibaano, mid Qaranka Somaliland oo dhan deeqda , Madaxweynaha J Somaliland Muuse Biixi Cabdina waxaanu ugu Hambalyeynaynaa, aniga oo ah Golihii Wasiiradii hore ee Xukuumadii Xisbigii Kulmiye, waxaan hambalyo buuxda iyo bogaadin iyo isbarbartaag halkan uga diraynaa, Madxwenuhu Xulistiisa uu soo xulay Golihiiisa Wasiirada, Wasiirada Cusub ee Dawlada cusub hogaamin doona, Qaranka Reer Somaliland iyo Umaduba waxaanu u rajaynaynaa in ay ku qancaan”.

Wasiirku isaga oo la hadlaaya Golihii Wasiirada ee uu ka midka ahaa waxa uu yidhi:-“Golihii Wasiirada ee hore oo runtii soo qabtay shaqo aad iyo aad u balaadhan, isa soo barbar taagay Xisbiga Kulmiye in uu Guulaysto  hawl badan iyo dadaal badan ka galay oo aan odhan karo waxaa laga soo celiyey tiro yar, waxaan halkan uga soo jeedinayaa in aynu Hambalyeyno Dawlada Cusub, macnaheedu maaha guusha aynu raadinaynay iyo ta aynu dhalinaynay mahaa, in aynu Wasiiro noqono oo soo noqono, waxay ahayad in Muuse Biixi Cabdi guulaysto Talada oo ah siyaasad cad iyo mabaadii aynu qaadanay oo ah tii Xisbiga Kulmiye, mana aha in la idinku garan waayey Xilalka aad Qaranka u hayseen sidaan anigu qabo, laakiin dabeecada bila’Aadanka ayey tahay Dadku in ay jeclaystaan wax cusub iyo wijiyo cusub”.

Wasiirku waxa uu baaq u diray Shacabka iyo Madaxweynaha la doortay, waxanu yidhi:-“Waxa la isla dhex maraayey intii liiska Golaha Wasiiradu soo baxay” Reer hebel ayaa igu jira” waxaan aad iyo aad u rajaynayaa Reer Somliland in ay ka baxaan iska dhex eegida ay beeshu iska dhex eegayso Golaha Wasiirada, hadii la yidhaa beel ayaa loo badiyey beeshaas waxaa laga yaabaa iyada lafteedu in ay qoysas iyo meelo hoose ay u sii kala baxdo oo aanay ku qancin, ee waxaa lagu qanci karaa Qaranka iyo waxa uu qabto, Madaxweyne Baraha Bulshada iyo media-ha intii aad liiska Golaha Wasiirada soo saartay waxa ku jira, Wasiir hebel wa’ayo iyo Beel heblaayo imisa ayaa ugu jira, wax is weydiin leh Dadku maxay ka rabaan, Wasiirka reerkooda ah maxay ka rabaan, waxay ka rabaan Wasto, waxay ka rabaan Dhaqaale, waxay ka rabaan shaqo, waxay ka rabaan hiil, Madaxweyne waxaan talo ahaan u soo jeedinayaa intaaba Dadku in ay ka maarmaan oo aad ka maaransiiso in aad u samayso fursad iyo meel ay intaaba kaga maarmaan Qofku baahida uu qaranka u qabo ama Dawladnimada u qabo ee uu dhibane noqodo in aanay maskaxdiisa ku soo dhicin Wasiirkii hebel iyo xagaad u carartaa Reerkiina yaa jooga, ee uu ka doono Hay’ada ugu dhaw ee markaa baahidiisa daboolaysa, haday noqoto haruu marin Deegan, haday noqoto shaqaba.

LEAVE A REPLY