Wasiiru-dawlaha Amniga Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo Ciidamo Tababar U Furay Kuwo Dhamaystayna U Soo Xidhay

0
989

Mandheera (Hargeisa Press.com): Wasiiru-dawlaha amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, ayaa maanta tababar ugu soo xidhay degaanka Mandheera ciidamo ka kala tirsan booliska, laanta socdaalka iyo saraakiil xigeeno booliska ka tirsan.

Xafladaasi oo ahayd laba munaasibadood oo is huwan ayaa isugu jirtay mid  tababar loogu soo xidhayya  saraakiil ku-xigeeno iyo xaflad furitaan ah oo saraakiil ku-xigeeno iyo dabley ah oo dugsiga Mandheera isla maanta tababarka looga furay.

Waxaanay saraakiil ku-xigeenadu koorsadda tababarka ku jireen muddo 43 maalmood ah. kuwaasoo laga kala keenay dhamaanba goboladda jamhuuriyadda Somaliland.

Iyadoo  ciidamaddan tababarka loo soo xidhay ayaa ka kala tirsan qaybaha kala gedisan ee ciidamadda, kana mid yihiin  laanta socdaalka, booliska iyo qaybo kale.

Xidhitaanka tababarkaasi waxaa wasiiru-dawlaha amniga ku wehelinayay taliyaha ciidamadda booliska sareeye Gaas C/laahi Fadal Iimaan, taliye ku xigeenka booliska, hogaanadda qaybta tababaradda booliska. Taliyaha laanta socdaalka SomalilandC/raxmaan Cismaan Caalin (Dayib),  iyo saraakiil kale.

Munaasibadaasi waxaa hadalo ka jeediyay wasiiru-dawlaha amniga, taliyaha booliska, taliyaha laanta socdaalka, hogaanka tababaradda booliska iyo saraakiil kale.

Halkan Ka Daawo Warkaasi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here