Wasiirro ka tirsan Somaliland oo Maanta kulan la qaatay Wafdi ka socda IGAD

0
906

WASIIROHargeysa,(HargeisaPress) — Wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland, ayaa maanta shir ay albaabaddu u xidhan yihiin la yeeshay wefti ka socdda urur goboleedka IGAD, kuwaasoo dalka booqasho ku yimid.

Wasiiradda Arrimaha dibadda, Arrimaha gudaha, Caafimaadka ayaa kulan kula yeeshay xafiiska wasaaradda Arrimaha Dibadda wefti ka socda Urur Goboleedka IGAD, kaasi oo uu hogaaminayey safiirka urur goboleedka IGAD u jooga Soomaaliya Maxamed Affey.

Shirkan ka dib waxa warbaahinta la hadlay wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland iyo Safiirka IGAD u qaabilsan Soomaaliya, waxaanay labaddooduba sheegeen inay ka wada hadleen sidii xidhiidhkooda loo joogteyn lahaa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay inay iyagu casuumadda imaanshiyaha wadanka u fidiyeen safiirka, isla markaana ka wada hadlayeen sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka IGAD iyo Somaliland, si ay Somalilland uga fulin lahaayeen mashaariic horumarineed.

“Waxaa maanta farxad weyn noo ah, inay halkan nala joogaan Wefti ka socda IGAD oo uu hogaaminay Maxamad Afay oo uu la socdo Dr Axmed Xasan Mataan. Weftiga waa markii u horaysay ee AMbasador-ku halkan naagu yimaado, anagaana ku soo casuunay. Cilaaqaad Culus ayay Somaliland iyo IGAD wada leedahay. Sida aad la socotaan Mashaariic badan ayay IGAD inoo hir galisaa. waxay nala joogi doonaan saddex cisho, waxayna la kulmi doonaan Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka,” ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi Yoonis.

“Shacabka Somaliland iyo Xukuumaddiisa waxay go’aansadeen jidkiii wanaagsanaa ee Dimuqraadiyadda iyo nabad galyadda, waxaana u soconaa sidii aanu ula shaqayn lahayn Somaliland, iyadoo awal horaba ula shaqayn jirnay oo uu ku yaalla iskuulka Sheikh ee xanaanadda Xoolaha oo ay wax ka bartaan arday ka kala yimid dalalka Afrika, waxaana doonaynaa in aanu ka caawinno doorashooyinka soo socda, isla markaana garab galno wixii ay nooga baahdaan”ayuu yidhi safiirka Soomaaliya u jooga urur goboleedka IGAD Maxamed Afey.

Maxamed Affey ayaa sheegay inay Somaliland ku casuumeen shir caalami ah oo ka dhici doona Addis ababa oo lagaga hadlayo arrimaha Caafimaadka, kaasi oo ay ku casuumeen wasiirka Caafimaadka iyo wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here