Wasiiro KaTirsan Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo Oo La Filayo Inay U Baxaan Dalka Imaaraadka Carabta+Magacyada Wasiirada Iyo Ujeedada Socdaalkooda Oo Xogo Kasoo Baxayaan

0
1181
Wasiiro KaTirsan Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiiro ka tirsan xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ayaa la filayaa inay dhawaan safar ugu baxaan dalka Dibadiisa gaar ahaana dalka Imaaraadka Carabta.

Wasiiradan baxaya ayaa tiradooda naloogu sheegay inay yihiin 5 wasiir kuwaas oo xoguhu tibaaxayaan in ay ujeedada socdaaalkoodu salka ku hayso arrimo la xidhiidha dekeda magaalada Berbera,shaqaalaha dekeda iyo waliba saldhigii Milateri ee Berbera laga siiyey dawlada Imaaraadka Carabta.

Sidoo kalena waftigan wasiirada ah ayaa ujeedada socdaalkoodu daaran tahay sidii ay dawlada Imaaraadka Carabta ugaga soo mahadnaqi lahaayeen kaalmadii buuxday ee ay kaga qayb qaateen abaaraha baahsan ee dalka ka jira iyo waliba daawayntii 5000 (Shanta Kun) ee qof ahayd ee ay dhakhaatiirtii ka socday dawlada Imaaraadku kaga fuliyeen gudaha magaalada Hargeysa.

Waftigan wasiirada ah ayaa waxa hogaaminaya wasiirka wasaaradda madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi,waxaana xubno ka ah sida naloo sheegay wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Sacad Cali Shire,wasiirka Duulista iyo hawada Somaliland Farxaan Aadan Haybe,Wasiirka Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo waliba wasiirka Warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Cadaani,sidoo kalena wararka ayaa waxay  tibaaxayaan in uu waftigan la socdo isna wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Maxamed Ibraahin Aadan “Qabo”.

Waftigan wasiirada ayaan si rasmi ah loo shaacin wakhtiga ay baxayaan balse ilo wareedyo u dhuun daloola madaxtooyada ayaa noo sheegay in ay wadaan qabanqabaada safarkooda lana filayo in ay baxaan todobaadkan ama ka ku xiga.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here