Wasiiro Ay Somaliya Sucuudiga U Dirtay Oo Weji Gabax Kala Soo Laabtay Riyaad

0
1320
Kulankii wasiirada somalia iyo Sucuudiga,

Riyad, (HargeisaPress) —Xubno wasiiro ah oo ka koobnaa lix wasiir iyo xubno kale oo ah agaasimayaal iyo la taliyayaal ah oo ka socday dawladda Somaliya oo safar ku tagay dalka Sucuudiga, ayaa weji gabax kala kulmay dawladda Sucuudiga.

Wasiiradan oo uu qorshahoodu ahaa inay sii ambo qaadaan heshiis dhex maray Soomaaliya iyo Sucuudiga oo u badnaa caawimo Sucuudigu siinayay Somaliya, ayaa waxa hawlihii ay u soceen saameeyay go’aanka dhexdhexaadka ah ee ay dawladda Somaliya ka qaadatay khilaafka ka dhex qarxay wadamada Khaliijka ee lagu go’doomiyay dalka Qatar.

Wasiiradan iyo agaasimayaashan oo uu qorshahoodu ahaa inay la kulmaan wasiirada Sucuudiga ee dhigooda ayaa waxa loo soo diray agaasimayaal iyo saraakiil kale, kuwaas oo xataa ku tiraabayay inaanay xiisanayn kulanka, iyagoo ka shidaal qaadanaya mawqifka dawladda Somaliya. Waxaana soo baxaya in Sucuudigu diiday inuu dhaqaalihii uu u balan qaaday siiyo Soomaaliya ilaa inta ay xidhiidhka u jarayso dalka Qatar.

Wasiirada dawladda Somaliya ayaa iyagu dhinacooda sheegay in kulamadu ugu qabsoomeen si wanaagsan islamarkaana aanay wax caqabad ah kala kulmin dawladda Sucuudiga.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in weji gabaxa ay Sucuudiga kala kulmeen wasiirada Somaliya ay sabab u tahay, ergay Sucuudigu khamiistii u soo diray Muqdisho, kaas oo siday farriin uu boqorka Sucuudigu Madaxweyne Farmaajo kaga dalbanayay in Somaliya xidhiidhka u jarto dalka Qatar. Mr. Farmaajo ayay wararku sheegeen inuu ku adkaystay inay Somaliya dhexdhexaad ka noqonaysa xiisada ka taagan gobalka Khaliijka, taas oo aanu ergaygu jeclaysan. Sucuudiga ayaa isku dayay inuu Farmaajo ku qanciyo inuu qaato mawqifkooda oo kale, waxaana soo dhex galay  Madaxweynaha Jabuuti oo Mr. Farmaajo ka codsaday inuu ugu yaraan hoos u dhigo xidhiidhka diblomasiayadeed ee Qatar, taas oo uu farmaajana diiday.

Ergayga Sucuudiga oo watay diyaaad gaar ah ayaa markii uu ku noqonayay dalkiisa waxa sii raacay weftigan wasiirada Somaliya ah  oo arrimihii ay u soceen ay u muuqdaan inaanay wax macno lehi ugu soo qabsoomin.

Si kastaba ha ahaate, Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, madaxweynaha Somaliya ayaa u muuqda inuu ka gaws adaygay inuu garab istaago xulafada Sucuudiga iyo Imaaraadka ee ka dhanka ah Qatar, waxaana la ogyahay kaalintii ay dawladda Qatar ku lahayd dhisitaankii Farmaajo markii uu u ordayay kurisgan madaxweynaha Somaliya ee uu hadda ku fadhiyo.

advertisements

HargeisaPress News Desk — Hargeisa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY