Wasiirkii Hore Ee Shaqada Iyo Arimaha Bulshada Somaliland Dr Cabdi Awdaahir Cali Oo Hadda Ku Geeriyooday Magaalada Burco

0
1053

Burco, (HargeisaPress) —Dr Cabdi Awdaahir Cali ayaa kamid ahaa xubnihii wasiirada ahaa ee xukumadda Somaliland  dhawaan iska casilay,waxaana uu ahaa wasiirkii shaqada iyo arimaha bulshada somaliland, sidoo kalena waxa uu  kamid ahaa garabkii Isbahaysiga KULMIYE ee  qaadacay doorashadii ka dhex dhacay xisbiga KULMIYE waxaana sidoo kale uu kamida marxuunku dhakhaatiirta waa wayn ee Somaliland.

 

Dr Cabdi Awdaahir ayaa sida naloo sheegy saaka saladii subax yara dareemay wadna xanuun waa sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamida familygiisa oo ay shabkada HargeisaPress khadka kula xidhiidhay intaasi kadiba uu hada Dr Cabdi Awdaahi  geeriyooday.

 

Alla haw naxariistee Dr Cabdi awdaahir aya isagu maalmihii u danbeeyey ku sugnaa magaalada burco kaasi oo sida la sheegay dib uga bilaabay shaqadiisii dhakhtarnimo gudaha magaalada burco.

Inaalilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun.

abdiaw da

Taariikhda Dr Cabdi Aw-daahir oo geeriyooday ilaahay haw naxariisto

1956 ayuu ku dhashay Deegaanka Oodweyne waxa uu dugsiga hoose ka galay magaalad duruqsi ,1966kii ayuu dugsiga Boodhinka ah ee Oodweyne galay, 1970-kii waxa uu galay dugsigii sare ee camuud 1974kii ayuu jaamacadii Umadda ee magaalada Muqdisho waxaanu sannadkii 1979kii ka baxay kulliyada daweynta iyo qalliinka, 1980kii waxa uu shaqada dhakhtarnimo ka bilaabay cisbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho waxaanu sannadkii 1981kii noqday iskudawaha qaxoontiga ee shabeelada dhexe.

 

1982 waxa loo soo bedelay cisbitaalka Burco oo uu ka noqday dhakhtar qalliin markii dambena isu-duwe caafimaad ilaa sannadkii 1988.

 

1991 waxa uu noqday isu-duwanaha caafimaadka ee Togdheer iyo dhakhtar qalliin .

1997kii waxa uu noqday wasiirka caafimaadka ee xukuumaddii madaxweyne Cigaal ee Somaliland .

2000 waxa uu ka mid ahaa afar xubnood oo asaasay xisbigi UDUB isaga , Cigaal,Gees, iyo cabdi Yuusuf. waxaanu noqday xoghayihii ugu horeeyey ee xisbiga UDUB. ka dib waxa is khilafeen madaxweyne Riyaale

 

 

2013 ayuu xisbiga Kulmiye ku biiray

waxaanu u wareegay magaalada Burco isaga oo ka ahaa dhakhtar .2004tii

sannadkii 2011-kii ayuu noqday wasiirka xanaanada xoolaha w bishii labaad ee 2015kii ayuu madaxweyne siilaanyo u magacaabay wasiirka arrimaha bulshada iyo shaqada.

October 26, 2015 ayuu iska casilay xilkii wasiirnimo .

waxaanu ka mid ahaa xubno xukuumada Siilaayo siyaasad ahaan ka hor yimi .

6April 2016 ayuu Burco ku geeriyooday isaga oo ah 60 sanno jir ah alle ha u naxariisto

 

 

Sakariye Cabdiraxmaan Ibraahin HargeisaPress — Burco

sekeriye80@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here