Wasiirkii Hore ee Maaliyadda oo Aqbalay Xubinta Komishanka Tacliinta Sare ee Loo Magacaabay

0
708
Wasiirka Wasaarada Horumarinta Maaliyada Somaliland Mudane Yuusuf Maxamed

Hargeysa,(HargeisaPress) —Anigoo ah Wasiirkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi Raage, Waxaan si waafi ah ugu soo bandhigayaa guud ahaan Shacab weynaha Somaliland gudo iyo dibadba gaar ahaan dhalinyaradda iyo Madaxda kala duwan ee Qaranka si gaar ahaaneed Madaxweynaha Qaranka JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi in aan si buuxda ugu qanacsanahay xilkii Wasiirnimo ee layga nasiyey, sidoo kalena, aan ku niyad samahay xilka Qaran ee kale ee uu Madaxweynuhu ii igmaday.

Waxaan mar labaad iyo mar seddexaadba xasuusinayaa lana wadaagaya shacab weynahayga aan jecelahay ee reer Somaliland in Sunaha xilka Qaran ama Dawladnimo yahay Magacaabis, Bedel iyo Nasin, balse ay waajib qaran tahay in masuul kasta oo loo igmaday xil uu u guto hufnaan, hagarla’aan iyo daacadnimo; iyada oo la joogo xilligii aynu gamcaha is qabsan lahayn una adeegi lahayn inagoo wada jirna dalkeena, diinteena iyo dadkeena inagoo si wada jir ah ula shaqaynayna Madaxdeena Qaran.

Waxaa Mahadnaq weyn iyo Sharaf weyn iga Mudan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi xil magacaabistaydii Wasaraadda Maaliyadda iyo mudadii 10-ka bilood ahayd iila shaqayeey si wanaagsan oo gobanimo leh, hawl gudashada Xilkaa Qaranka isla markaana waxaan balan qaadayaa in aan sii laban laabo u shaqaynta Qaranka Xil kasta oo uu ii garto, iyadoo la joogo xilligii Muwaadin kastaaba is weydiin lahaa waxa uu dalkiisa u qaban karo balse aanu ku foog nayn waxa uu dalku isaga u qabanaayo danta guudna la siinayo mudnaanta kowaad lagana horumariyo danta gaar ahaaneed, Dawladnimadda iyo Siyaasadduna waxay u baahantahay Samir, Dulqaad iyo Adkaysi.

Waxaan hore u ahaa gacanta midig ee madaxweynaha waxaan balan-qaadayaa in aan noqon doono gacantiisa midig iyo bidixba lana bar bar istaagayo hiil iyo hooba,”ayuu ku soo gabogabeeyey war-saxaafadeedkiisa Wasiirkii hore ee Maaliyadda Md. Yuusuf Maxamed Cabdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here