Wasiirkii Hore ee Caafimaadka Md.Cabdi Heybe oo ku Dhawaaqey in uu ku Biiray Xisbiga Waddani.

0
928

Hargeysa, (HargeisaPress) — Wasiirkii hore wasaarada Caafimaadka Somalilad Md.Cabdi Haybe, ayaa ku dhawaaqay in uu ku biiray xisbiga Waddani, waxaana uu sheegay in maanta laga bilaabo uu ka mid yahay xisbiga Waddani.

Md.Cabdi Haybe, ayaa hadalkan ka sheegay madal qado sharaf ah oo xisbiga Waddani uu u sameeyey madaxweynahii hore ee Daahir Rayaale Kaahin oo ka qabsoontay hotel Ambassador.

“Waddani iyo ragii madasha ka soo qeyb galay oo aan aniga laftaydu maanta laga bilaabo aan Waddani ka mid ahay, waayo munaasibada ayaan maanta ka faa’idaysanayaa, waxaa sharaf weyn noo ah in aynu maanta soo dhaweynayno madaxweynahii hore ee Somaliland Md.Daahir Rayaale oo muddo innaga maqnaa, insha Allah haddii Alleh yidhaahdana waxaan rajaynaynaa in uu innagala qeyb qaato waxyaabahaas maanta dalka ka socda dejinteeda.”.Ayuu yidhi Md.Cabdi Haybe.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY