Wasiirka Waxbarashadda Somaliland Oo Beeniyay In Dugsiyo Badhan Ku Yaalla Laga Reebay Imtixaanka Shahaadiga

0
692

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Imtixaanka shahaadiga ah ee fasaladda 4aad ee dugsiga sare iyo 8aad ee dhexe ayaa 15-ka bishan aan ku jirno si rasmiya uga bilaabmi doona guud ahaanba goboladda iyo degmooyinka Somaliland oo dhan.

Sida uu sheegay wasiirka wasaaradda waxbarashadda iyo Sayniska Somaliland Cismaan Jaamac Aadan, waxaanu  tilmaamay in la dhamaystiray hawlaha u diyaar garowga imtixaanka, isla markaana maalinta Sabtida ee todobaadka soo socda ee 15-ka  bishan uu imtixaanka shahaadigu guud ahaanba dalka ka bilaabmi doono.

Wasiirku waxa uu beeniyay warar habeen hore si weyn la isula dhex marayay barasha bulshadda  Internet-ka oo la xidhiidhay in wasaaradda waxbarashadu ay imtixaanka ka joojisay laba dugsi oo ku yaalla magaaladda Badhan.

Hase yeeshee, wasiir Cismaan ayaa arrintaasi ku tilmaamay mid ay si khaldan u tebiyeen weriyeyaashii warka ka duubay, isagoona cadeeyay in labadaas dugsi ay imtixaanka gelayaan  hubin iyo baadhitaan lagu sameeyay kadib.

Halkan Hoose Ka Daawo Wasiirka Oo Arrimahaas Ka Hadlaya:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY