Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo Ka Warramay Kulamo Uu La Yeeshay Masuuliyiin Ka Tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda UK

0
959

London, (HargeisaPress) —Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo) oo socdaal ku jooga dalka Ingiriiska, ayaa ka warramay kulamo uu la yeeshay masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee UK iyo  qaar ka mid ah Hay’adaha Saxaafadda.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa maanta ka hadlay masuuliyiintii uu la shiray iyo ujeeddada socdaaalkiisa London, “Socdaalkaygani wuxuu ku lug lahaa sidii aan ula kulmi lahaa madax ka tirsan dawladda Ingiriiska oo innaga kaalisa dhanka tababarrada Warbaahinta, haddii ay tahay ta dawladda iyo ta gaarka loo leeyahayba. Sidaasi awgeed, wadahadalladaasi si fiican ayey noogu dhammaadeen. Waxaanan isku afgaranay in wixii awoodooda ah aanay waxba innaga hagran doonin,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here