Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Ka Hadlay Idaacad FM Ah Oo Hargeysa Laga Dhegaysto Mudooyinkan

0
845

 

wasiiirka cukuseHargeisa,(HargeisaPress) — Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse, ayaa markii u horaysay sheegay inaanay xog rasmi ah ka hayn Idaacad FM ah oo laga dhagayso Hargeysa. Idaacaddan oo la yidhaahdo Radio baadi-goob ayaa mudooyinkii u dambeeyay laga dhegaysanayay Hargeysa, hase ahaatee Wasiirka ayaa sheegaya inaanay ahayn Idaacad weyn oo Muhiim ah.

“ Idaacaddaas dhawr qof baan ka maqlay laakiin, maaha Idaacad weyn oo Muhiim ah oo meelo fara badan laga maqlay, waa Idaacad xaafado ka mid ah Hargeysa uun laga maqlay sida la ii sheegay.baadhisteeda iyo daba galkeeduna wuxuu u yaalaa Ciidamada Amaanka, waad Ogtihiin oo haddii Idaacad noocaas oo kale ah meelahan lala dhuun-dhuunto waxaa suuro gal ah in Cadawguna midn a dhuun-dhuunto, sidaas awgeed ayaanu uga digaynaa” ayuu yidhi Wasiir Cukuse.

Idaacaddan ayaan ilaa hadda la Ogayn meesha ay taalo iyo cidda leh.wasiirka ayaa warkan sheegay wakhti uu ka soo baxay kulan uu lalahaa Guddida Arimaha bulshada ee Golaha wakiilada Somaliland

.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here