Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Difaacay Saldhiga Milatari Ee Imaaraadku Doonayo

0
1399
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigalinta Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani),

Hargeysa,(HargeisaPress) —Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigalinta Jamhuuriyadda  Somaliland, Md.  Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani),  ayaa xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ku eedeeyay inay  u dhaqamayaan sidii jabhadaha  oo kale oo ay doonayaan inay dalka ka ridaan qas iyo dagaal.

Wasiirka    oo shalay shir jaraa’id ku qabtay  xafiiskiisa, waxa kale oo faahfaahin ka bixiyay faa’iidooyinka Somaliland ugu jira hirgelinta saldhiga Millatari ee dawladda imaaraadka carabtu doonayso inay ka samaysato Berbera, waxaanu xusay in saldhigaasi bilow u yahay sidii ay Somaliland uga bixi lahayd go’doonka siyaasiga ah ee ka dhashay ictiraaf  la’aanta.

Wasiir Caddaani oo shirkaas jaraa’id ka hadlay waxa uu si adag u naqdiyay hadallo xanaf lahaa oo ka soo yeedhay xildhibaanno iyo siyaasiyiin ka tirsan xisbiga WADDANI, waxaanu yidhi,  “Waxa xisbiga WADDANI ka shubayo warbaahinta  may ahayn wax mucaaradnimo  lagu sheegi karo,  balsé  waa kuwo lid ku ah  qaranimada Jamhuuriyada Somaliland,madaama oo shacabku ugu baaqayaan  dagaal.    waxa xisbiga WADDANI  ka doortay   doorkiisii mucaaradnimo  mid jabhadeed oo halkii cod lagu kala calaf qaadi lahaa ay  ka door-bideen inay  dagaal ugu baaqaan shacabka la lag-damaya abaaraha baahsan.

Mucaaradku hadduu ka gudbo xuduudaha sharci ee  uu xaqa u leeyahay  ha ogaadaan   in aanay ku helayn abaabul dagaal xuquuqdii mucaaridku lahaa  oo ahayd wax toosin. Mar  iyo laba  ka badan  inta jeer  ee   siyaasiyiin ka mid ah  hormuudka  xisbiga WADDANI  ku dhaqaaqeen iska hor keenka shacabka Somaliland iyo xukuumadda,  sida khuraafaadkii  ay ka faafin jireen  markii lagu dhawaaqay   in waddada Ceerigaabo la  samaynayay   iyo markii maalgashigii dekeda Berbera sahaminta shiidaalka iyo  Mashruuca banka Qoolcaday la waday, hasa ahaatee way soo  gaabatay  beentoodii  tan maantuna  waxba ka duwan-na   beentii ay sheegi jireen,shacabkayaga annaga (Xukuumadda) ayaa xil naga saaran yahay in aanu u galno meel kasta oo dantooda iyo ta qaranku  ku jirto,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu.

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay, wuxuu intaas ku daray;  “Dadkuna (WADDANI)  way  idin  barteen  oo way ka ilbaxeen  shugux shuguxda aad ruxdaan markaa aad dantiina ka dhex waydaan hawl kasta oo danta ummada ah. siyaasiinta xisbiga WADDANI  ee warbaahinta la soo taagan  ma dawlad baynu nahay  iyo  ma dawlad  baa  jirta,waxa aanu leenahay dawlad ayaa dawlad kale heshiis lagasha,ummada     Jamhuuriyadda   Somaliland   way ogyihiin in dawladi jirto,   waxa aan leeyahay dawlad  baanu nahay ee haddii aydaan aaminsanayn  halka qalbigiinu jecel yahay taga malaha sida l idinku  xanto  waaba  Xamare’. xisbiga WADDANI  waxa uu ku yidhaahdo umadda soo baxa   mudaharaada        oo dagaalama wax loo baahan yahay  maaha. haddii aanay dantooda hoose ahayn in dalka Somaliland ee ku caano maalay nabadgelyada,  qas, khalkhal iyo maalmihii madoobaa  ay dib ugu celiyaan.Xildhibaannada WADDANI ka tirsan ee qaylinaya  iyo madaxda xisbigaas  ee ku baaqaya in dagaal la galo,   maalmahaas  madowna hore ayaa loo soo maray,  wax laga aqbalayo iyo wax laga dhagaysanayo midna maaha.”

Wasiirku waxa uu sheegay in labada gole ee Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada) ay   u gudbin doonaan heshiiska xukuumadda ee la xidhiidha saldhiga imaaraadka carabta,  “Xukuumadda  uu    gadhwadeenka  ka yahay  Madaxweynaha  Somaliland  Md.  Axmed   Maxamed Maxamuud   (Siilaanyo),   waxa ay keenayaan heshiiska saldhiga  madaarka  Berbera golayaasha xaqa u leh in la hor keeno,  waxaanay  xukuumaddu u soo bandhigaysaa  ummada Somaliland meel kasta oo ay joogaan heshiiskaas,waxa uu ka kooban yahay  iyo nuxurkiisu waxa uu yahay,  waxaana  ay u taallaa diidmadiisu iyo ansixintiisuba  Golaha Baarlamaanka,waxa alaale wax aanu shaki  ka qabnaa  haddii aanu nahay xukuumadda  ma jirto.  wax loo igmaday  ma jirto   ragga suuqa jooga  ee  wax is moodaya.   tallo ayay ku leeyihiin,dalkana  waxa loo igmaday   madaxweynaha  Somaliland  iyo Madaxweyne ku-xigeenka.  Shaqada  ugu wayn ee madaxweynuhuna  waxa weeye  in dalka Jamhuuriyadda Somaliland  nabadgelyo lagu seexdo , laguna soo tooso.  ka doonaya in uu khalkhal ka rido u suurto-geli mayso.    shuruuc ayuu dalku  leeyahay  adiga oo xisaanad ku gabanaya   haddii aad dalka khalkhal gelinayso  iyo nabadgelyadiisa  shuruucda Somaliland u taalla ayaa lagu marinayaa,”ayuu yidhi Wasiir Caddaani.

Wasiirku waxa uu xusay in saldhiga millatari ee laga hirgelinayo Berbera aanu ahayn mid waxyeelo u leh dalka, hasayeeshee uu fure u noqon doono maalgashi iyo aqoonsi Somaliland ka hesho caalamka, waxaanu

yidhi,  “Saldhiga   ciidan  ee ay innaga   codsadeen dalka imaaraadka carabtu ee madaarka    Berbera  ee aynu wadaagno diin, dhaqan iyo xidhiiidh ganacsi,  maaha mid dalkeenna lagu qabsanayo oo ah beenta mucaaradku ku beer laxawsadaan   shacabka Somaliland,balse    waa dariiq   innaga   saaraya   go’doonka aynu ka nahay    caalamka  mar haddii aynaan  aqoonsi wali haysan. Mashruucani wuxuu    inoo soo jiidayaa   maalgashi baaxad leh oo  fure  u noqda  aqoonsi aynu caalamka ka helno.”

Wasiirku waxa uu tafaasiil ka bixiyay  faa’iidooyinka saldhigan ugu jira Somaliland, waxaanu yidhi, “Saldhigan Millatari waxa kale maahee    waa iskaashi dhinacyo badan  faa’iidooyinkiisuna  waa qaar  aad u ballaadhan oo ay ka mid yihiin

dhinaca  nabadgelyada.   waxa uu kor u qaadayaa ciidanka qaranka Somaliland  tayayntooda waxaanay   tababaro  casriya oo ciidankeennu ka helayaan. Waxa kale oo ku jirta ilaalinta xeebteenna dheer  ee 850 km  ah,   waxa   aynu   ku   ilaalinaynaa   khayraadka  baddeenna  ee adduunka oo dhammi  gurtaan.

Saldhigani waxa kale oo uu wax ka tarayaa    la dagaalanka budhacad badeedda

iyo   argagixisadda.   Waxaanu  innaga saacidayaa  dhinaca dhaqaalaha  waxaa  la samaynayaa waddada isku xidha Wajaale iyo Berbera  oo lacagta ku baxaysaa ay tahay 260 ilaa 300 oo milyan  oo doollar,waxa ku jirta shaqo abuur ballaadhan.”

“Waxa    saldhigani   innoo horseedayaa     shaqaale    badan   oo ka shaqayn doona  oo wax ka tari doona shaqo la’aanta    ballaadhan  ee dhallinyaradeenna   haysata,waxaanu  wax ka qaban doonaa   tamarta  haddii ay tahay  Soolarka, cad-ceeda  iyo   tacliinta  sare.   waxa la inoo dhisi   doonaa dugsiyo farsamo, waxaynu deeqo waxbarasho ka heli doonaa dawladda imaaraadka carabta. waxa kaloo   ku jira maalgashi aad u ballaadhan  ayaa ka abuurmi doona saldhigan.  waxa kale oo ku jira dhakhaatiir  tababari doona dhaakhaatiir teenna ,waxa aynu nahay dal aan la aqoonsanayn  oo 25 sanno

sugayay  aqoonsi  laakiin   ku jooga  waddadii aynu ku heli lahayn aqoonsiga. waxa aynu nahay dal aan  awoodiisu  ilaalin   karin  xeebta dheer ee dalka, waana in loo diyaar garoobo dhismaha iyo tayaynta ciidammadda dalka,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta, oo shirkaasi jaraa’id si waafi ah uga wada jawaabay su’aalo kala duwan oo saxaafaddu ka weydiiyeen  heshiiskan.

HargeisaPress News Desk —Hargeysa

info@hargeisapress.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here