Wasiirka Warfaafinta oo La Kulmay Masuuliyiinta Ha’yadda IOM U Qaabilsan Somaliland

0
756

Hargeysa (HargeisaPress)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Muuse Diiriye, ayaa la kulmay saraakiil ka socotay Hay’ada Socdaalka Adduunka ee IOM oo  ay hoggaaminaysay Mrs. Sikhulile Dhalamini.

Wasiirka Warfaafinta iyo Masuuliyiint  Hay’adda IOM xafiiskeeda Hargeysa ayey kaga wada hadleen sidii loo yarayn lahaa Tahriibka isla markaana ay uga qayb qaadan laheyd Wasaaradda Warfaafintu ka wacyigelinta dhallinyarada  aafada tahriibka.

Kulankan Wasiirka Warfaafinta   waxa ku wehelinayey Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Warfaafinta Cabdiqaadir Askar.

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here