Wasiirka Warfaafinta oo Kulan la Qaatay Hay’adaha Warbaahinta ee Dalka ka hawl gala & Qodobo la isla qaatay

0
905

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland md, Cismaan C.laahi Saxardiid (Cadaani) ayaa maanta kulan la qaatay mulkiilayaasha saxaafada  dalka ka hawl gala iyo ururada suxufiyiinta ee Solja iyo Wija waxaana laysla meel dhigay qodobo muhiima.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka Warka.

 

 

Kulankaasi ayaa la Iskula Qaatay Qodobadan Hoos ku Xusan

  1. Arrimaha Amniga iyo Xasiloonidda dalka.
  2. Inay inaga reebanaato Faafin fidno qabiil Kicin ah.
  3. Inaan la Baahin/Qorin War been abuur ah.
  4. Inaan ka digtoonaano faafinta ama qorista Suldaan ama Caaqil ku hanjabaya af qabiil.
  5. In aan iska ilaalino Faafinta iyo Baahinta Wax kasta oo halis ku ah amniga iyo faro- gelintiisaba hadii aan si rasmi ah loo faafin.
  6. In Baahinta Magaca Qabiilka ama Beel aan ku bedelno Gobol,Degmo,Magaalo,ama Tuulo.
  7. In isku dhufashada Dalalka Jaarka ah Sida Itoobiya Iyo J.Somaliland oo Waxyeeli kara Cilaaqaadka Fiican ee ka dhexeeya Labada dal ay inaga  Reebban yihiin.
  8. Inaan iska Ilaalino Aflagaado Shakhsi oo Qofka Muwaadinka ah lagu dhaawacayo Sharaftiisa, Sumcadiisa iyo Karaamadiisaba.
  9. WADA SHAQAYNTA WARBAAHINTA IYO XUKUUMADDA
  10. In Warbaahintu hal Camera-Man iyo Hal Weriye oo si Joogta ah uga Hawl gala marka la qabanayo Shirka Jaraa’id ama la bixinayo Warar u soo dirsataan Xarumaha Madaxtooyadda,Madaarka,Iyo Warfaafinta.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here