Wasiirka qorshaynta iyo Horumarinta Somaliland Oo Faah-faahin Ka Bixiyay U Jeedadda Safar Uu Ku Tegay Kenya

0
1573
— Wasiirka qorshaynta iyo horumarinta Somaliland Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo)

Nairobi, (HargeisaPress) — Wasiirka qorshaynta iyo horumarinta Somaliland  Maxamed  Ibraahim Aadan (Qabo), oo safar shaqo ku jooga magaaladda Nairobi ee dalka Kenya ayaa  sheegay in uu  kulamo la yeeshay  hay’adaha Somaliland ka taageera arrimaha horumarinta.

Maxamed  Ibraahim Aadan (Qabo),  ayaa ku tilmaamay  u jeedadda socdaalkiisa in uu la xidhiidho sidii qorshe looga yeelan lahaa   bilaabitaanka   wejiga labaad ee sanduuqa horumarinta Somaliland (SDF), isla markaana loo dejin lahaa mashaariicda la doonayo in laga maalgeliyo sanadka soo socda ee 2018-ka.

Wasiirka oo warbaahinta dawladda kula hadlay magaaladda Nairobi waxaa kulankaasi ku wehelinayay safiirka Somaliland ee Nairobi   C/laahi Cabdi Cali, isagoo sharaxaad ka bixinayay u jeedadda socdaalkiisa waxa uu yidhi  “Waxaan    ku imid  Nairobi booqasho gaaban oo dhar maalmood ah,  u jeedadayduna waxay ahayd  mashruuca horumarinta Somaliland ee SDF  oo ay inga caawiyaan wadamadda Denmark iyo Netherland markaa dhawrkii bilaadba mar ayaanu shir qabanaa, shirkayagii ayaananu halkan (Nairobi) ku qabanay”.

Waxa kale oo uu wasiirku faah-faahin ka bixiyay  mashaariicda kala duwan ee laga maalgeliyo sanaduuqa horumarinta ee SDF iyo halka ay marayaan.  “Waxaananu ka wada hadlaynay mashaariicda  socda   maadaama oo SDF uu   dhamaad ku jiro bisha September ee sanadkan 2017-ka,   sidii aanu u bilaabi lahayn  wejiga labaad ee SDF 2018-ka.

Sanaduuqani  waxa uu Somaliland ka caawiyaa mashaariic badan, kuwaasi oo ah  11 mashruuc  oo dalka ka socda,  oo ay ka mid yihiin  biyaha, wadooyinka,  xagga degaanka sida buurta Gacan-libaax.  Waxa kale oo ka mid ah mashuuca kalluumaysiga,  caafimaadka, sida dhismaha cusbitaalka Ceerigaabo.

Mashaariicdaasi oo intooda badani ay dhamaad ku dhawyihiin  ayaanu ka shiraynay, si fiican ayaananu iskula af-garanay.  Waxa aanu aadka uga wadda hadlaynayna waxa uu ahaa mashruuca biyaha  ee isku xidhaya  Hora-haadlay  iyo   Geed-deeble, mashruucaasi oo aad muhiim ugu ah sidii ay magaaladda Hargaysa biyo ku filan u heli lahayd” ayuu yidhi wasiirka qorshaynta.

Geesta kale wasiir Qabo, waxa  uu sheegay in  mudadii uu joogay Nairobi  in ay kulamo   la yeesheen shirkadda Jarmalka ah ee Somaliland ka caawisa dhinaca biyo balaadhnta magaaladda Hargaysa iyo masuuliyiin ka socday hay’adaha qaadhaan bixiyeyaasha ah.

Waxaanu yidhi “Waxaan  la kulanay hay’adda Jarmalka ah ee  KMW  oo inaga caawisa xagga biyo balaadhinta magaaladda Hargaysa oo ilaa $20 milyan bixiyay. Waxa kale oo aanu la kulanay qaadhaan bixiyeyaasha, si fiican ayaananu iskula  af-garanay  arrimihii aanu ka wada hadalnay”.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here