Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Oo Dalka Ku Soo laabtay Kana Hadlay Kulamo Uu Jaaliyadda Sucuudiga iyo Xubno Reer Boqorka Sucuudiga La Yeeshay

0
918

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali X. XasanHargeysa (HargeisaPress) — Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali X. Xasan, ayaa dalka ku soo laabtay ka dib socdaal mudo laba todobaad ah oo uu Sucuudiga ugu maqnaa. Waxa uu ka hadlay waxyaabaha safarkiisu ku salaysnaa, isagoo sheegay in ka dib Socdaal Cibaado Cimraysi uu kulamo la qaatay Jaaliyadda Sucuudiga iyo xubno ka tirsan Dhaxal sugeyaasha Sucuudiga.

Wasiir Xirsi inay rajaynayaan in Jaaliyadda iyo Ganacsatada Somaliland ee Sucuudigu bixiyaan lacag dhan Saddex Boqol oo Kun oo Doolar, taasi oo ay ugu tabarucayaan Jidka isku xidha Ceerigaabo iyo Burco. Waxa uu sheegay in lacag $260,000 dhan ay bixiyeen baaqigana ay ka sugayaan.

Waxa kale oo faahfaahin ka bixiyay waxyaabaha ay kala hadleen Dhaxal sugaha Boqortooyada Sucuudiga iyo Wiilkiisa oo ay kulamo la qaateen “Waxaanu la kulanay Laba Nin oo Reer Boqor ah, runtii ma odhanayno waxan ayaan ka sidnaa oo waa markii noogu horaysay balse waxaanu ku dismay oo aanu isku daynay inaanu u bandhigno dal ahaan halka aynu taaganahay iyo waxay inaga aaminsan yihiin, si fiican ayay noo qaabileen waxaanuna ku balanay in markale la isku soo noqdo, iyagana waxaanu ku casuunay inay dalkeena yimaadaan, si fiicana wuu noogu dhacay kulankaasi” ayuu yidhi Wasiir Xirsi.

Waxa kale oo uu sheegay in Sucuudigu Balanqaaday Maalgashi uu ku sameeyo Dalalka Somaliland la jaarka ah, kuwaasi oo Somaliland ka mid tahay. Waxa uu sheegay inay danaynayaan Xoolaha, Kaluunka iyo Cuntooyinka kale ee ay isticmaalaan meel u dhaw oo ay ka helaan islamarkaana ay arintaasi kala hadleen in Somaliland laga heli karo waxyaabo badan oo Sucuudigu u baahan yahay.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here