Wasiirka Madaxtooyada Iyo Masuuliyiin Kale Oo Cisbitaalka Guud Ee Hargeysa Ku Booqday Dhalinyaro Ku Dhaawacmay Rabshadihii Ka Dhacya Ceerigaabo

0
1368

“ Dhalinyaradaasi Oo Dhaawac Culusi Soo Gaadhay Waannu La Baroor-diiqaynaa, Caafimaadkooda Iyo Daryeelkoodana  Gacan Weyn Ayaannu Xukuumad Ahaan Ka Gaysanaynaa.” Wasiir Xaashi

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo ay wehelinayeen Wasiirmaha Arimaha gudaha Yaasiin Maxamuud Xiir ( Fartooon) iyo Taliyaha ciidanka Booliska Gen. Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa maanta cibitaalka guud ee Hargeysa ku booqday dhalinyaro ku dhaawacmay rabshadihii ka dhacay magaalada Ceerigaabo.

Dhalinyaradaasi oo qaliino loogu sameeyey citaalka isla markaasina xaaladoodu ay hada degan tahay, Wasiirada Xukuumadda ayaa sheegay in dawladda ahaan caafimaadka dadkaasi ay damaanad qaadeen sidoo kale ay gacan weyn ka gaysan doonaan daryeelka dhaawcyadaasi.

 

Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi ayaa ka hadlay booqashadooda waxaannu yidhi “ Waxaannu maanta oo jimce ah aniga iyo wasiirka arrimaha guduha iyo taliyaha ciidanka boolisku ku booqanay cisbitaalka guud ee caasimada laba dhalinyaro ah oo ku soo dhaawacmay rabshadihii ka dhacay magaalada Ceeribgaabo. Dhalinyaradaasi oo dhaawac culusi soo gaadhay oo qaliin loogu sameeyey cisbitaalka, waxaannu la wadaagaynaa qoysaskooda murugadaa iyo tiiranyadaa haysata, waannnu ka xunahay dhibaatooyinkaas, ciidamada ammnigu waa saaxiibka dadweynaha, dhibaatada ma abuuraan, ammni darada iyo dhibaatooyinka ayey la dagaalamaan, dab munaafaq shiday muumin ayaa ku gubta, dadkaa yaryar ee dhibaatoobay waxa masuuliyada dhibaatadaa iska leh cidii fidnadaa kicisay.”

Mudane Maxamuud ayaa sidoo ka hadlay wiil dhalinyaro Hargeysa ku dhaawacmay oo xaaladiisu ay culus tahay waxaanu yidhi “ Waannu la baroor-diiqaynaa, caafimaadkooda iyo daryeel-koodana  gacan weyn ayaannu xukuumad ahaan ka gaysanaynaa. Waxa kale oo aan isna cisbitaalka maanta ku soo booqanay nin dhalinyaro ah oo hore ugu dhaawacmay magaalada Hargeysa oo dhaawaciisu culus yahay, Xukuuumad ahaan waxaannu ku talo jirnaa in cisbitaal dibadeed aannu u qaban-qaabino, sida naloo sheegay xaaladiisa halkan waxba lagagama qaban karo, ILAAHAY waxaan ugu baryaqaa inuu caafimaad siiyo.”

LEAVE A REPLY