Wasiirka Macdanta Oo Ka Jawaabay Hanjabaad Shirkaddaha Shidaal Baadhista Somaliland uga timid Somalia

0
977

Ministers_pictureHargeisa,(HargeisaPress) — Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa ka jawaabay Eedaymo dhigiisa Somalia u jeediyay Shirkaddaha Somaliland Shidaalka ka baadha.

Warqoraal ah oo Wasiirku soo saaray ayaa lagu faahfaahiyey halka Somaliland ka taagan tahay Eeda Wasiirka Tamarta Somalia u jeediyay Shirkaddaha Shidaal Sahaminta ee Somaliland heshiiska kula jira. Eedaynta Somalia ayaa ku saabsanayd in Shirkaddahaasi fawdo iyo majaro habaabinta Amniga Somalia wadaan.

Qoraalka Wasiirka Macdanta Somaliland waxa uu u dhignaa sidan:-

 

“Waxa Xukuumadda iyo Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland aad ula yaabeen, wax laga xishoodona u arkaan beenta iyo is-hafarka qayaxan ee wakaaladda wararka ee Reuters uu siiyey wasiirka Kkayraadka Dabiiciga ah ee Maamulka Muqdisho, ee uu kaga been-abuuray xaqa Jamhuuriyadda Somaliland u leedahay bixinta iyo ku-faa’iidaysiga liisamada shiidaal baadhista ee la siiyo shariikadaha Caalamiga ah.

 

Somaliland waxay ku timi codka shacbkeeda oo 97% ugu codeeyay dustuurka Somaliland iyo madaxbanaanida dalkeeda. Waxa Jamhuuriyadda Somaliland ku qanacsan tahay inaan wax muran gelin kara jirin ka-faaiidaysiga khayraadka Eebbe ku mannaystay geyigeeda si loo kobciyo nolosha iyo horumarka shacabkeeda. Xukuumadda Somaliland iyada ayaa ku filan, awood aan la tarraxinna u leh, bixinta liisannada la xidhiidha shiidaalka iyo macaadiinta bad iyo berriba inta xuduudaheedu ku siman yihiin. Liisanno maamullada Muqdisho laga soo qaatay kama shaqeeyaan, kamana shaqayn doonaan Jamhuuriyadda Somaliland dhexdeeda.

Somaliland waa qaran jira oo dhammaan waaxaha waaweyn ee dawladnimadiisa dhammaystirtay 23kii saanadood ee u dambeeyey, iyado oo uu si buuxda uga soo ceshaday maamuladii isaga dambeeyey Muqdisho xorriyaddii ka fool-habawday 1960kii. Somaliland lagama yaabo inay xoriyadeeda buuxda ee ay qaaliga ku soo heshay mar labaad gorgortan kala gasho cidnaba.

Shirkaddaha Caalamiga ah ee kalashaqeeya Jamhuuriyadda Somaliland shiidaal baadhista ma aha kuwo ay ku cusub tahay xaqiiqada dhabta ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ku hanaqaadday, iyo tan habawsan ee Muqisho weli ku sugan tahay toonna. Waa shirkado, iyagoo ku qanacsan jiritaanka iyo awoodaha sharciyeed ee Jamhuuriyadda Somaliland, la galay heshiisyo faaiido qaybsi ah, oo waafaqsan shuruucda caalamiga ah. Shirkaduhu horena oggolaansho uma weydiisan maamulka taagta daran ee Muqdisho, haddana kuma talo jiraan, umana socdaan, maadaama aanay meelnaba u soo marin xaqa noocaas ah.

 

Sida wasiirka Muqdisho ku dooday iyo kuwo ka horreeyeyba, ma jiraan Malayshiyooyin loo hubeeyey ilaalada shirkadaha. Xaasha Somaliland heer malayshiyo labaatan sannadood ka hor ayay soo dhaaftay, shirkaduhuna waa kuwo aad u ixtiraama oo uga dheregsan baahida gobolku u qabo degganaansho iyo colaad la’aan.

Jamhuuriyadda Somaliland nabadgelyada shirkadaha iyada aya si buuxda uga mas’uul ah, waxayna leedahay ciidamo qaran oo ka adag sugidda waajibaadkooda, kuwaas oo qaybo ka mid ah si gaar ah ay isha ugu hayn doonaan inaan cadow gaag-ma-reebe ahi meelnaba uga soo hanqal taagin boobka khayraadka ummadeeda mar labaad.

 

Jamhuuriyadda Somaliland waxay si foojigan indhaha ugu haysaa falalka kharbudaadda ah ee isdabajoogga ah ee uu soo maleegayo Maamulka Muqdisho, isaga geed kasta iyo tab kasta u soo adeegsada sidii xorriyadda iyo isku-fillaanshaha Shacbiga Somaliland iyo xukuumaddiisu gaadheen u wiiqi lahaa. Waxa uu maamulkaasi yeeli karo cidna aan naftiisa ahayn ma jirto si kasta oo uu isugu dayo inuu gudaha Somaliland ka dhex samaysto awr-kiraale uu ugu soo daldalo hub ama uga been-abuurto awoodaha aanu meelna u soo marin ee uu is leeyahay ku indhasaab aragtida caalam indhihiisu u furan yahay mucjisada dunida cusub ee Somaliland.

Jamhuuriyadda Somaliland qiimayn buuxda ayay ku samaynaysa waxyeellada falalkaasi ku yeelanayaan wadahadallada u socday labada dal ee Somaliland iyo Somalia iyo halka uu cagadhigan doono mustaqbalka xidhiidhka labada dhinac.

 

Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay uga digeysaa Maamulka Muqdisho inuu soo fara-geliyo arrimaha u khaaska ah Jamhuuriyadda Somaliland iyo shacabkeeda miiggan, iyada oo farta loogu fiiqayo maamulkaasi inuu tiisa ku fillaado, daryeelka shacabkiisana hoos u eego, colaad iyo eedaad dambe oo haatan ka fogna aanu u horseedin.

Ma jiro aadane ay Jamhuuriyadda Somaliland iyo shacabkeedu uga idan qaadanayaan horiumarinta geyigeeda iyo ka-faaiidaysiga togan ee khayraadkeeda, iskaba daa maamul shalay faro-ciddeed lagaga soo ridey xorriyadda ay maanta Jamhuuriyaddani ku hanaqaadday ee ku xaqiijisey himilooyinkeedii fogaa iyo kuwa dhowba.

 

Sidaa darteed, waa in maamulka Muqdisho ka waantoobo beenabuurka uu caalamka la wareegayo iyo riyada iyo hawaawiga uu ku majara-habaabiyey danaha, dawladnimada iyo degganaanshaha shacabkiisa ku hungoobey.”

 

ALLA MAHAD LEH

 

 

Xuseen Cabdi Ducaale

Wasiirka Tamarta iyo Mactanta

Jamhuuriyadda Somaliland   

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here