Wasiirka Maaliyadda Oo Mushaharkii Ka Jartay 78 Muwaadin Iyo Gadood Shaqaale Oo La Filayo Inuu Go’aankaasi Sababo

0
779

Hargeysa, (HargeisaPress) — Wasiirka Maaliyadda Somaliland Samsam Cabdi Aadan ayaa sida la sheegay amartay in mushaharka laga joojiyo ku dhawaad 78  muwaadin oo aan ilaa hadda si rasmi ah loo ogayn sababta dhabta ah ee mushaharka iyo gunooyin ay qaadan jireen looga jaray.

Sida ay HargeisaPress u xaqiijiyeen saraakiil sarsare oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadu shaqaalahan mushaharka laga jaray oo dhamaantood dhawrkii maalmood ee u danbeeyey kusoo noqnoqnayey xarunta wasaaradda isla markaana ay ku jiraan dad bukaan ah oo aan iyagu soo gaadhi karin xafiiskooda ayaa la filayaa inay sababto gadood shaqaale oo ay muwaadiniintaasi ku muujinayaan dareenkooda la xidhiidha xuquuqdooda sida sharciga baalmarsan ay madaxdoodu ugu tumatay.

Sidoo kale waa markii u horaysay ee shaqaale tiradaas leeg oo wasaarad kaliya ka hawlgala laga jaro mushaharkooda ama gunooyinkooda uu sharciga dalku u binneeyey.

Dhinaca kale arrintan ayaa kusoo beegantay xili ay duruufo adagi lasoo darseen shaqaalaha iyo guud ahaan hawl-wadeenada Kastamka Kala-baydh oo ah kastamka 2-aad ee dakhliga ugu badan usoo xareeya dawladda, kaas oo ay shaqaalihiisu la il-daran yihiin dayac baahsan oo ku kalifi-kara haddii aan wax laga qabanin inay ku dhaqaaqaan arrimo aanay hore ugu dhiiran jirin oo uu sharciga dalku ka xarimay.

Shaqaalaha Kastamka Kala-baydh ayaa tan iyo mudadii ay xilka wasaaradda maaliyadda la wareegtay Samsam Cabdi Aadan sida la sheegay laga dhimay gunooyinkii ay u qoreen wasiiradii ka horeeyey ee ay ugu talo-galeen inay shaqaalahaasi si hufan u qabtaan shaqadooda isla markaana looga danlahaa inaan la lunsanin lacagta adag ee kasoo xaroota kastamkaasi.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here