Wasiirka Maaliyadda Oo Guddida Dhaqaalaha Ee Wakiillada U Iftiimisay Odoroska Miisaaniyadda

0
877

HARGEISA, (HargeisaPress) — Guddida dhaqaalaha u qaabilsan aqalka wakiillada Somaliland ayaa shalay kulan la qaadatay madaxda wasaaradda maaliyadda oo ay hogaaminayso wasiir Samsam Cabdi Aadan. Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa su’aalo guddidu ka qabtay odoroska miisaaniyadda 2016-ka oo dhawaan golaha wakiillada loo soo gudbiyay, balse wali guddida dhaqaaluhu gacanta ku hayso. Arrimaha guddidu rabtay in loo waadixiyo ayay labada dhinac sheegeen in si fiican la isula fahmay.

 

Kulankaasi oo saacado qaatay markii uu soo dhammaaday ayuu guddoomiyaha guddida dhaqaalaha Xildhibaan Cumar Sanweyne saxaafadda uga warbixiyay, wuxuuna sheegay in guddidan oo gacanta ku haysa miisaaniyadda sanadka 2016-ka ay xog-waraysi kala yeesheen wasiirka iyo madaxda kale ee wasaaradda maaliyadda “ Kulanku wuxuu ahaa xog-warran ku saabsan wixii aanu su’aalo kala soo dhex baxnay miisaaniyadda ee aanu wasiirka iyo kooxdeeda waydiinaynay. Si fiican baanu isku afgaranay, wixii su’aalo ahaana way nooga jawaabeen, Inshaa Allahna waxaanu miisaaniyadda degdeg u hor dhigi doonaa gole weynaha oo iyaguna ka doodi doona, oo rayigooda u dambeeya ka dhiibi doona,” ayuu yidhi Xildhibaan Cumar Sanweyne.

4a5cc3d72a0e1c6acfa75e8618f85a6e_L

Wasiirka maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan oo iyaduna madasha ka hadashay ayaa sheegtay in hawsha guddidu tahay inay naaqishaan miisaaniyadda kadibna wixii su’aalo ah wasaaradda waydiiyaan “ Markii aanu guddida wada fadhiisanay meelo badan bay taabteen oo ay doonayeen inay ka helaan xog ka badan intii aanu ku soo qornay, markaa meelo su’aalo ayay naga waydiiyeen, meelana waxay uga baahdeen macluumaad saayid ah oo wasaaraddaha kale kaga xidhan ama anagu aanu u sahli karno, ugu dambeyna waxaanu isla garanay in miisaaniyaddu fiican tahay, wixii yar ee ka dhimanna aanu ka wada socon doono, guud ahaana waxaanu isla qaadanay inay wanaagsan tahay miisaaniyaddu,” ayay tidhi Marwo Samsam.

 

Wasiirka maaliyadda Samsam Cabdi Aadan ayaa todobaadkii hore golaha wakiillada u soo gudbisay miisaaniyad ku dhaw saddex boqol oo milyan Dollar, taasi oo ka badan 13% miisaaniyaddii sanadkii hore ee 2015 oo ahayd 250 Milyan oo dollar, waxaana la eegi doonaa dooda wakiilladu ka dhiibtaan iyo siday u ansaxdo muddooyinka soo socda.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here