Wasiirka maaliyadda Kenya oo maxkamad la hor geeyay Maanta

0
849
Henry Rotich has been the finance minister throughout Uhuru Kenyatta's presidency

Nairobi,(HargeisaPress) —Wasiirka maaliyadda dalka Kenya, Henry Rotich oo maanta maxkamadda kasoo hormuuqday ayaa waxaa uu beeniyay eedeymaha musuq maasuq ee loo heysto.

Eedeymaha waxaa kamid ahaa qaabkii uu u maray bixinta qanddaraas lagu dhisayay labo xireen, markii wax laga weyddiyay arrintaas, waxaa uu ku jawaabay “Waa been eedeymahaas”

Waxaa maxkamadda sidoo kale kasoo muuqday saraakiil kale oo iyaguna eedeymo musuq maasuq loo heysto.

Wasiirka maaliyadda Kenya ayaa shalay xabsiga loo taxaabay kaddib markii uu amar kasoo baxay xafiiska dacwad oogaha ee dalkaas.

Dacwad oogaha guud kenya, Nuradin Maxamed Yuusuf Xaaji, ayaa sheegay in Mr Rotich uu baalmaray hannaanka bixinta qandaraasyada kadib markii uu qandaraas malaayiin dollar ah uu siiyay shirkad dhismaha ah oo laga leeyahay Talyaaniga.

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here