Wasiirka Maaliyada Oo Xadhiga Ka Jartay Madxafka Seryan Oo Lagu Kaydinayo Taariikhda Halgankii SnM Iyo Dhaqanka Umada Afka Soomaaliga Ku Hadashay

0
1184

Hargeysa, (HargeisaPress) —Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa waxa Shalay laga furay Madxaf Magaciisu yahay, SARYAN MUSEUM, kaasi oo uu aasaasay Muwaadin Reer Somaliland ah, sidookalena ka mid ahaa Ururkii Dib u xorreynta Somaliland ee SNM.

Munaasibadda Xadhigga lagaga jaray Madxafkan oolagu ururinayo Taariikhda Halgankii Ururkiidhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee SNM dib ugu xorreeyay Jamhuuriyadda Somaliland, sidookalena lagu kaydin doono Dhaqanka iyo HiddahaDadka ku hadla Afka Soomaaliga, ayaa waxa ka qayb-galay Wasiirro ka mid ah Xukuumadda Somaliland, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Wasiirka WasaaraddaMaaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan oo iyaduxadhigga ka jartay Madxafkan, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Cadaaladda, Aqoonyahan iyo Marti-sharrafkale oo tiro badnaa.

Xuseen oo ah aasaasaha SARYAN MUSEUM oo ugu horreyn halkaa ka hadlay ayaa ka warramay Marxaladihii uu soo maray aasaaskaMadxafku iyo Qaybaha uu ka kooban yahay, waxaanuyidhi “Madxafkan Fikirkiisu wuxuu bilaabmay Muddodheer ka hor, oo ku xidhiidhsan illaa dhallinyaro-nimadii, markii aanu Halganka Hubaysan aanu kujirnay oo mar walba la iswaydiin jiray waar intahalganka ka soo hadha ee noolaata, intii hoyataymaxay ku xusuusan doonaan, taasaa Saldhig u ah inaanu Madxafkan Seryan samayno, iyadoo ay ILAAHAY Mahaddii tahay in Dad badan ay igalaqayb-galeen, hadday tahay Xukuumadda Maanta jirta, Saaxiibbo, Dad Waayo-arag ah oo yaqaanna sidaMadxafyada loo sameeyo.”

Mujaahid Siciid Shukri Xuseen waxa kale oo uukhudbaddiisa ku faahfaahiyey Qaybaha uu ka koobanyahay Madxafku, “Madfaxku wuxuu u qaybsan yahay Saddex qaybood oo waaweyn. Kow Madxaf markaadsamaynayso Dal-baad ka hadlaysaa, Dalkaa aad ka hadlayso Astaamihiisa, dhaqamadiisa, Qiyamkiisa, Wiciyadihiisa iyo Aqal-Soomaaliyadiisa in la soo dhigo waa lagama maarmaan, markaa Hool ayaa u gaarah Dhaqankii ay Soomaalida wada lahayn, Somaliland-na dhaqankaa si gaar ah uma sheegan karto. Hoolkalabaad (waxa ku keydsan) Taariikhda Somaliland intii la heli karayey oo aanu soo qaadanay, halgankiiGobanimo-doonka, Taariikhdaa Faca-weynina waxay ku fadhidaa Ururkii la odhan jiray SNM. Taariikhdu waxay inna faraysaa oo ay si walba inoogu dhigaysaa in aynaan inkiri karin in Dagaal Sokeeye inna soo maray si kastaba haku yimaaddo, laakiin, Madxafkaniwuxuu ka tarjumi doonaa maxaa laga bartay waxaa (aan sheegay), si dhibaatooyinkaa hore inoo soo marayaanay dib inoogu soo noqonin.” Ayuu yidhi, waxaanuintaa ku daray oo uu u Mahad-naqay Wasiirro Gacanka geystay hirgelinta Madxafka “Waxaan si gaar ah ugu Mahad-naqayaa Wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan iyo Wasiirka Warfaafinta Cismaan Cabdillaahi Saxar-diid (Caddaani), Wasiirka Cadaaladda Axmed Faarax Cadarre iyo Cali MaxamedWarran-cadde”

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo Gacan ka geysatay Madxafkaisla-markaana iyadu Xadhigga ka jartay Shalay, ayaakhudbad ay halkaa ka jeedisay waxay kaga warrantayahmiyadda Muusiyamka ama Madxafkani u leeyahayUmmadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxayna tidhi“Waxaynu dhammaanteen ku faraxsannahay inayMaanta Taariikh innaga hadhayso. Madxafku waxalaga baranayaa waxyaabihii inna soo maray, markawaxyaabahaa la arko waxa laga taxaderayaa inay kugusoo noqdaan Waxyaabahaasi oo kale, Taariikhna waalaga helayaa oo waxaynu meesha dhigaynaa wax la arki karayo.”

Wasiir Samsam Cabdi Aadan, waxa kale oo ay sheegtay  “Ummadna Taariikhdeedu ma lunto haddayyeelato Taariikh qoran ama Daawasho ha ahaato amaSawirro ha ahaato ama Agab ha ahaato’e.” ayay tidhi, waxayna intaa ku dartay “Dagaallada ka hor Madxafkiiku yaallay Dawladda Hoose dabadeeda waxa yaallay Agab aan la heli karin. Agabkii yaalay waxaanu waynay Abtirsiintiisii, waxa yaallay Abxadihii, Waxyaabo aan muddo dheer la isticmaalin, waxayaallay Saab aan dib loo helaynin. Dalka waxaan kusoo noqday 1991-kii Alaabtii (Madxafka taallay) oo la iibinayo, Lacag waanu u waynay, laakiin waxoogaa ka reebnay (Ka iibsanay), laakiin Alaabtii waalla iibsadayoo la gurtay. Alaabtaa inaynaan dib u helayn baan u maleynayaa, laakiin Madxafkani (Seryan) wuxuuaasaas u noqonayaa inaynu Taariikhdeena wax la hadhno oo aynu Meeshan ku urursanno.”

Wasiirka Maaliyaddu waxay u aasaaska Madxafkan kubogaadisay Siciid Shukri, “Siciid Shuki aad iyo aadbaan ugu Mahad-naqayaa, maaddaama oo uu Dhulkiisaintaa leeg ugu deeqay inuu ka sameeyo Madxafkan, Xoolihii uu soo shaqaysatayna uu geliyo.”ayay tidhi, iyadoo xustay in Siciid uu Taariikhda Somaliland baal-dahab ah ka geli doono.

Munaasibadda Xadhigga lagaga jaray Madxafka waxa khudbado ku saabsan Ahmiyadda Madxafkani u leeyahay Shucuubta Ree Somaliland iyo Soomaalida oo dhan ka soo jeediyey Wasiirrada Wasaaradaha Warfaafinta, Caddaaladda, La Taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Warran-cadde iyo Xubno kale oouu ka mid ahaa Prof Bulxan, waxayna dhammaantood tilmaameen in Madxafkani wax badan ka tari doonoKaydinta Taariikhda Somaliland ee dhinacyada badan leh, Dhaqanka Soomaalida iyo Halgankii SNM Dalkakaga xorreysay Dawladdii Milletariga ahayd ee Maxamed Siyaad Barre.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here