Wasiirka Maalgashiga Somaliland Oo Ka Qaybgalay Kulanka Caalamiga Ah Ee Maalgashiga

0
1456
Wasiirka horumarinta maalgashiga caalamiga ah ee Somaliland Mudane Maxamed Axmed Cawad

Hargeysa,(HargeisaPress) —Wasiirka horumarinta maalgashiga caalamiga ah ee Somaliland Mudane Maxamed Axmed Cawad ayaa Axaddii 8da Abriil u safray magaalada Dubai ee dalka isutagga Imaaraadka Carabta, si uu uga qaybgalo ‘Shir sannadeedka maalgashiga  ee caalamiga ah’ oo magaaladaas ku qabsoomi doona maalmaha 9 ka illaa 11 ka bishan Abriil.

Wasiirka oo socdaalkan ay ku wehelinayeen wasiirka ganacsiga iyo masuuliyiin kale oo ka socda ganacsiga gaarka loo leeyahay ee Somaliland ayaa ka mid noqon doona ergada rasmiga ah ee lagu casuumay kulankan muhiimka ah.

Kulankan maalgashiga ee sannadlaha ah oo magaciisa loo soo gaabiyo (AIM) ayaa ah masraxa maalgashadayaasha caalamiga ah ee ugu ballaadhan dunida, waxa aana sannadkan mawduuca lagaga hadlayo laga dhigay, “Isku xidhka suuqyada horumaray iyo kuwa hadda soo koraya iyada oo la marayo maalgashiga tooska ah ee shisheeyaha.

Muddo saddex maalmood ah oo uu kulanku soconayo, waxaa ka hadli doona aqoonyahanno iyo khubaro ganacsiga ku xeeldheer oo martida xog fiican ka siin doona maalgashiyada u dambeeyey ee dunida ka socda iyo istaraatijiyadaha maalgashi ee loo baahan yahay. Sida oo kale martida waxaa loo ogolaan doonaa in ay ka qaybgalaan barnaamijyo ay ka mid yihiin, carwo la soo bandhigayo, shirar, iyo kulan-aqooneedyo tayo-dhis laga korodhsanayo. Sidaa awgeed waxaa jiri doona fursado ay ganacsatada iyo dadka hal-abuurka ganacsi leh ay kula kulmi karaan maalgashadayaasha kala duwan ee shirka imanaya.

Shirkani waxa uu Somaliland u noqon karaa fursad ay ka hesho aqoon iyo waayo-aragnimo la xidhiidha horumarka dhaqaalaha ee dunida ka socda iyo maalgashiga, waa fursad la isku dhaafsado waayo-aragnimada iyo xogaha maalgashi ee muhiimka ah, waxaa sida oo kale laga helaa fursado ganacsi, isla markaana looga faa’iidaysto isfahamka iyo heshiisyada iskaashi iyo maalgashi ee dhex mari kara dhinacyada, iyada oo muddada uu shirku socdo ay dhacdo in dalal badan iyo maalgashadayaal kala duwani heshiisyo maalgashi kala saxeexdaan.

Kulankan sannadlaha ah waxaa lagu casuumaa dawladaha iyo maalgashadayaasha dalalka Yurub, Ruushka, Maraykanka, Afrika, Carabta iyo dalalka Eeshiya.

In Somaliland shirkan lagu casuumaa waa calaamad kale oo muujinaysa isu soo dhowaanshiyaha Somaliland iyo dalka Isutagga Imaaraadka Carabta oo maalgashaday dekedda magaalada Berbera ee Somaliland.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here