Wasiirka Horumarinta Beeraha Somaliland Oo Mashruuca Banka Wajaale Kormeer Ku Geeyay Saraakiil Ka Socotay Midowga Yurub + SAWIRRO

0
1620

Wajaale, (HargeisaPress) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Md. Axmed Muumin Seed oo uu wehelinayey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Dr. Maax, ayaa Mashruuca Beeraha Wajaale ee Wasaaraddu qodday kormeer u geeyay Sarkaal ka mid ah Madaxda ururka Midowga Yurub (EU).

Wasiirka Horumarinta Beeraha JSL iyo Agaasimaha Guud ayaa Mashruuca Banka Wajaale oo Saracii laga beeray su wanaagsan u baxayo isla-markaana durba midheeyay waxay mid mid u soo tuseen Mr. Alberto oo ka mid ah Saraakiisha Ururka Midowga Yurub ee Somaliland ka Caawiya Mashaariicda Horumarinta iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha  oo uu wehelinayey Mr. Cadnaan oo ka mid ah Madaxda Xafiiska Midowga Yurub ee Somaliland.

Intii Weftiga Wasiirku ay halkaa ku sugnaayeen waxa War-bixin ka siiyey sida Mashruuca Banka Wajaale u socoto Madaxa Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL u qaabilsan Mashruucaasi Mr. Mowliid Xasan Cabdi, isagoo Mowliid Madaxda u sheegay in Mashruuca Banka Wajaale laga beeray Saracyada ay ka mid yihiin Arabikhi, Hadhuudh iyo Dalagyo, isla-markaana rejo weyn ku qabaan in Mashruucu sidii qorshuhu ahaa u hirgelo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here