Wasiirka Horumarinta Beeraha Oo Socdaal ku gaadhay Deegaanka Salaxley + SAWIRRO

0
973

Hargeysa,(HargeisaPress) —Wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland Mudane Axmed Muumin Seed ayaa bulshada ugu baaqay inay wax soo saar la yimaadaan, waxaanu sidan ka sheegay safar uu maanta ku tegay Deegaanka Salaxley, isla markaana soo kormeeray beeraha ku yaala goobaha deegaankaasi hoos yimaada.

Socdaalkan wasiirku ku tegay deegaanka Salaxley oo ka mid ahaa safaro uu baryahan ku marayey deegaanada Dalka oo ujeedadoodu ahayd dhiirigalinta wax soo saarka dhanka cuntada iyo kormeerka beeralayda ayaa waxa khudbad ka jeediyey munaasibad lagu qabtay magaalada Salaxley.

Wasiirka horumarinta Beeraha Somaliland Mudane Axmed Muumin Seed ayaa waxa uu tilmaamay sida loogu baahan yahay in wax soo saar lala yimaado, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Waxaanu uga mahadnaqaynaa dadweyna reer Salaxley sida ay ugu soo jeedaan dhanka beeraha, iyada oo aan ku faraxsanahay sida maalqabaneeda deegaankuna uga qayb qaateen dhanka wax soo saarka”.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Waxaad ogtihiin in raashinka aynu cunaa dibada inooga yimaado, waxaana loo baahan yahay inaynu dhulkeena wax kala soo baxno, waxaad ka dhawaajiseen in cagafyo la idin siiyo, waxaanan idiin sheegayaa in dawladdu diyaar la tahay in dadka xooluhu ka baxeen ay saacado qodaala u qodo oo aynu wax la soo baxno, Salaxleyna haddii ay markii hore ahayd xoolo dhaqato ay beerihii ayey u soo jeedsadeen waxaananu ku dedaali doonaa inaanu hawlaha wasaaraddu beeralayda la qabanayso idinka qayb galino oo xafiis halkan ka furano, isla markaana tababaro beeralayda u qaban doono”.

Isuduwaha Gobolka Maroodijeex ee Wasaaradda horumarinta beeraha ayaa khudbad uu munaasibadaasi ka jeediyey waxa uu ka warbixiyey ujeedada socdaalka weftiga wasiirku hoggaaminayo, waxaanu yidhi “Ujeedada socdaalka wasiirku waxa weeyi xogogaal u noqoshada beeralayda iyo dhiirigalinta in wax soo saar lala yimaado, deegaankuna waxa uu isugu jiraa dhul beero daaqsimeed”.

Maayarka Degmada Salaxley oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa waxa uu tilmaamay in bulshada deegaankaasi yihiin Xoolo dhaqato beeralay oo isku wada xoolaha iyo beeraha, bulshadu u soo jeedsatay beeraha ka dib markii xoolihii ay dhaqanayeen abaari ka dhamaysay.

Maayarka oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi “Xoolo dhaqato ayaa ku nool deegaankan xoolihiina waa ay ka dhamaadeen dadka reer Salaxleyna waxa ay u guntadeen inay sameeyaan wax soo saar dhanka cuntada ah, waxaanay u baahan yihiin in wixii ay wasaaraddu la qaban karto la qabato”.

Xuseen oo ka mid ah dadka beeralayda deegaanka Salaxley ayaa waxa uu weftiga uu wasiirka horumarinta beeruhu hoggaaminayey warbixin ka siiyey xaalada bulshada ku dhaqan deegaanka Salaxley iyo sida ay ugu soo jeedaan dhanka wax soo saarka beeraha, waxaanu yidhi “Dadku xoolo dhaqato ayey ahaayeen markii xolihii abaarihii soo noq noqonayey ka dhamaysay waxa ay u jeedsadeen dhanka beeraha, waxaana waxyaabaha aanu samaynay ka mid ah iskaashatooyin dhanka beeraha ah, waxaanan codsan lahaa in cagafyo dadka deegaanku wax ku qotaan lana siiyo oo wasaaradduna xafiis ka furato magaalada”.

“Waxaan ahaa maayarkii degmada imika se dhanka beeraha Ayaan u jeedsaday” ayuu yidhi Cabdirashiid oo ka mid ah beeralayda deegaanka Salaxley.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY