Wasiirka horumarina Beeraha Somaliland iyo Baanka KFW ee Jarmalka Oo Kormeeray Bilawga Mashruuca Biyo & Ciid Qabatinka ee Biji + SAWIRRO

0
1128

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Mudane Axmed Muumin Seed oo ay ku weheliyaan Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase), xubon ka socda Agaasime waaxeedya wasaaradda, masuuliyiin ka socda Baanka horumarinta Jarmalka ee KFW iyo Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Gabiley Cali Cabdilaahi (Cali Case) ayaa kormeeray bilawga Mashruuca ciidda iyo biyo qabatinka ee Biji.

Mashruucan oo uu maalgalinayo baanka Horumarinta Jarmalku ayaa waxa uu ka bilaabmay deegaano ka mid ah Gobolka Gabiley.

Deegaanka Geed Abeera oo mashruucan ka bilaabmay ayaa masuuliyiinta soo kormeereen, iyada oo ay halkaasi ka jeediyeen Khudbado la xidhiidha ujeedada iyo waxa mustaqbalka laga rajaynayo mashruucan.

Wasiirka oo khudbad ka jeediyey goobtaasi ayaa waxa uu tilmaamay inay rajaynayaan in wax ka qabashada beerahani ay ka qayb qaadato kobcinta wax soo saarka dalka, isaga oo dadka deegaanka kula dar daaramay inuu tusaale fiican u noqdo mashruucani.

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Mashruuca maanta halkan ka bilaabmayaa waa mashrucii ay inaga caawisay dawladda Jarmalku oo ay maanta weftigan ka socda Bangiga horumarinta Jarmalka ee KFW inagala socdaan oo bilawgiisii maanta inoo bilaamyo oo ka wasaarad ahaan anaga iyo Agaasimihii aanu u wada dhanahay iyo maamulkii gobolkuba oo aanu doonayno inuu maanta furmo”.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Mashruucaasi waxa uu ka kooban yahay dhawr qaybood oo kow ka yahay in biyaha la joojiyo, waxa ku xiga in la xidho gabyanka, waxa la qodi doonaa dhaamam oo dhibaatooyinka maanta dalkeena haystaa waa laba arimood waa biyihii oo socda oo badda inaga galaya iyo nabaad guur xaga ciida inagaga socda, markaa labada inoogu daran waa labadaasi, markaa ka wasaarad ahaan labadaasi ayaanu awood badan saarnay oo halkan aynu hadda joognaa waa Geed-abeera oo waa halka uu ka bilaabmayo mashruucu oo dusha sare halkaa aynu taaganahay oo deegaanada mashruucan ka fulayo waa Laftaboqor, Taysa iyo Geed-abeera, intaasi ayuu mashruucu ka fulayaa, waana inta aanu rabno in dadkeena deegaanku ay ka faa’iidaystaan, waxaananu ugu talo galnay in uu tacabkaasi dhulkeena galo si wax soo saarkeenu uu horumar u gaadho”.

Wasiirka ayaa waxa uu intaasi ku daray “Waxa aanu dawladda Jarmalka uga mahadcelinaynaa in ay maanta halkaasi soo gaadheen oo ay goob joog u yihin shaqadii oo bilaabmaysa iyo inaga oo goobtii joogna oo aynu ka wasaarad ahaan u dhanahay , mashruucana haddii aynu ku guulaysano waa la inoo kordhin doonaa  anaguna waanu ka war hayn doonaa sida ay hawlo u socdaan”.

Badhasaab ku xigeenka Gobolka Gabiley Cali Cabdilaahi (Cali Case) oo madaashaai ka hadlay ayaa waxa uu soo dhaweeyey mashruucan  oo tilmaamay inuu ka qayb qaadanayo kobcinta wax soo saarka dalka.

Katrina oo ah maamulaha Mashruucan uu maalgalinayo Baanka Horumarinta Jarmalka ee KFW, kana socotay Baankaasi ayaa madasha ka hadashay waxaanay sheegtay inay u mahadnaqayso wasaaradda beeraha, isla markaana ku faraxsan tahay inay aragto shaqadii oo bilaabantay.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here