Wasiirka Ganacsiga Somaliland oo ka xog-warramay waxyaabaha lagaga wadahadlay kulan degdeg ah oo xukuumaddu isugu yeedhay ganacsatada shidaalka soo dejiya

0
164
Wasiirka Ganacsiga, Wasaaradda Warshadaha iyo Dalxiiska Somaliland Maxamed Sacad Iidle

Hargeysa , (HargeisaPress) —Xukuumadda  Somaliland, ayaa qiime cusub u goysay iibka shidaalka oo maalmihii u dambeeyey kor uga kacay suuqyada dalka.

Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland iyo ganacsatada soo dejiya shidaalka oo kulan ballaadhan ku yeeshay xarunta Wasaaradda Ganacsiga ee magaalada Hargeysa shalay, ayaa isla qaatay qiime go’an oo qoondeeyey in kaalmuhu iibin doonaan shidaalka.

Wasiirka Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska, iyo Wasiir-ku-xigeenka Maaliyadda, Agaasimaha Guud ee Ganacsiga iyo ganacsatada gacanta ku haya haamaha keydka shidaalka ee Berbera, ayaa ka wadahadlay xaaladda qiimo-korodhka ku yimi shidaalka dalka lagu iibiyo.

Kulanka oo saacado door ah qaatay, isla markaana saxaafadda loo diiday, ayaa markii uu dhammaaday waxa warbaahinta uga warramay qodobbadda layskula qaatay wasiirka Ganacsiga iyo Wasiir-ku-xigeenka Maaliyadda.

Wasiir-ku-xigeenka Horumarinta Maaliyada Maxamed Daahir Axmed PHOTO FILE

“Waxaannu la kulannay ganacsatada shidaalka dalka keena ee jumladda ku iibiya oo aannu isla eegnay arrimaha labadayadaba khuseeya, maadaama aannu xukuumad ahaan matelno bulshada oo iyaga macaamiil u ah, sidaas awgeed mar haddii uu kordhay qiimihii shidaalku ayaannu wax badan isla eegnay oo macquul ah, iyadoo xukuumad ahaan aannu markasta ka shaqaynayno danta bulshada.” Sidaa waxa yidhi Wasiir-ku-xigeenka Horumarinta Maaliyada Maxamed Daahir Axmed.

Sidoo kale, Wasiirka Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska Md. Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), ayaa faahfaahin ka bixiyey natiijada waxyaabaha kulankaas ka soo baxday, waxaannu yidhi; “Saaka [shalay] markii aannu halkan isugu nimid ganacsatada annagoo eegayna danta dadweynaha, si fiican ayaannu u wada hadalnay, waxana meesha ku jiray laba shay oo kala ah kordhinta ay kordhiyeen dadka shidaalka keena iyo kordhin kale oo ay kordhiyeen kaalmaha dadka ka sii iibiya.”

Waxa uu intaa ku sii ladhay, “Dadka shidaalka dibada ka keena suuqa ayaa ku keenay inay kordhiyaan, laakiinse dadka kaalmaha ku iibiya maanu arag wax darruuri ah inay kordhiyaan, korodhsiimadoodiina waxaanu nidhi wax ka tanaasula, waxaanuna meesha ka saaraynaa korodhsiimada kaalmaha ee cusub.”

“Maanta laga bilaabo naaftada waxa lagu iibin karaa 7,200slsh, baatroolkana 8,200slsh halkii littir oo korna uma dhaafi karto, iyadoo maalmahan lagu iibinayey naaftada 7,500 SL/SH, baatroolkana 8,500 littirkiiba,” ayuu yidhi Wasiirka Ganacsiga Somaliland.

“Waxay kordhiyeen, wax ka yar inta uu ka kordhay adduunka,” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay wasiirka ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey heerka qiime korodhka ay sameeyeen shirkadaha shidaalka soo dejiya.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY