Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Oo Sheegay In Aanay Wax Weyn Ahayn In Wasiir Soomaaliya Ka Socdaa Yimaaddo Gobolka Sanaag

0
1087
Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Mr. Xawar

Dhahar,(HargeisaPress) —Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Dawladda Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo socdaal ku tagay Magaalada Badhan ee Bariga Gobolka Sanaag ee Somaliland, ayaa halkaa dib uga noqday Shalay isla-markaana gaadhay Magaalada Dhahar oo ah Xuduudka Somaliland iyo Soomaaliya.

Wasiirka Qorshaynta Qaranka oo Socdaalkiisa Badhan uu Xad-gudub ku ahaa Somaliland, isla-markaana Ciidammada Qaranka ee Badhan ku sugan Dagaal la galeen Ilaaladiisa, ayaa Wareysi uu siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da ku sheegay inaan aanay jirin Cid ka celin karta inuu yimaaddo Deegaannada Bariga Sanaag oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo, hadalkaa oo meel ka dhac ku ah Qaranimada Somaliland.

Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya oo ugu horreyn ka hadlaya halka uu ku sugan yahay ayaa yidhi  “Waxaanu joognaa Degmada Dhahar oo qayb ka ah Deegaannada aanu Safarrada ku marayno oo ah Sool iyo Sanaag. Deegaannada aanu marnay waxaanu kula soo kulanay qaybaha Bulshada, Aqoonyahanka, Odayaasha iyo Waxgaradka, welina waanu wadnaa, Dadka Soomaaliyeedna waxay xaq u leeyihiin inay Dawladdoodu u tagto oo ay waxay u baahan yihiin wax kala qabato.”

Wasiirka ka socd Soomaaliya wuxuu sheegay inay Safarkiisa bariga Sanaag ku weheliyaan Wasiirro ka socda Puntland “Wasiirro ka mid ah Puntland ayaa nala socda, halkaana waxaanu ugu tagnay Puntland, Xildhibaanno Federaalka ahina way nala socdaan, dhammaantayo waxaanu u soconaa oo aanu meesha u tagnay inaanu Xaaladda u kuur-gallo, markaanu Xamar ku noqono waxaanu isku dayeynaa inaanu wax ka qabano baahiyaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isagoo ka jawaabaya su’aal laga waydiiyey in socdaalkiisa bariga Sanaag waxyeelayn karo Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee la doonayo in dib loo bilaabayo “In Dadka deegaanku wax helaan Wada-hadallada Hor istaagi maayaan, Dadka Deegaanku hala wada-hadlo ama yaan la wada hadlin xaq waxay u leeyihiin Mashaariicda Horumarinta, Mashaariicda Bani-aadamnimadana lama siyaasadayn karo oo Sharciyo Caalamiya ayaa ka yaalla. Qofkuna maaha inuu ku gorgortamo dhibaato qof kale haysata, waa  in Dadkaa wixii la gaadhsiinayo ka gaadhsiiyo, siyaasadda marka laga hadlayana wax gaar ah weeye, markaa Wada-hadallada Somaliland iyo Dawladda Federaalka u socdaa wax saamayn ah kuma yeelanayaan in Dadkaa Soomaaliyeed ee Gobolladaa deggan Qaybtooda laga siiyo Mashaariicda Waddanka ka socota.”

Wasiirka ka socda Soomaaliya wuxuu sheegay in aanay jirin Cid u diidaysa inuu tago Gudaha Somaliland “Wax noo diidaya inaanu deegaannadaa tagno ma jiraan, Cid naga hor-taagan iyo meel ay ku qoran tahay ma tagi kartaan ma jirto, waa deegaan Soomaaliyeed oo ka tirsan Dawladda Federaalka Soomaaliya, inaanu tagnana waa waajib na saaran, haddii aanaan tagin ayaanu dambi ka galaynaa Dadkaa.”ayuu yidhi

Dhanka kale, inkasta oo Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya sheegay in aanay jirin Cid u diidaysa inuu tago bariga Gobolka Sanaag, haddana Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Mr. Xawar oo Telefiishanka Eryal waydiiyey sida uu u arko Safarka uu Wasiirka ka socda Dawladda Federaalka Soomaaliya ku tagay Badhan ayaa sheegay in aanay wax weyn ahayn in Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya tago deegaanka Badhan oo dabcan Wasiirka Gaashaandhigguna Dhalasho ahaan ka soo jeedo “Wax weyn maaha, Xasiloonida ayuun baa muhiim ah, taas ayuun baynu xoogga saaraynaa, meeshana waad taqaanaan oo Xuduuduhu way iska dhib badan yihiin, Ahmiyadduna waa Xasiloonida iyo degannaanshiyaha taana waanu ka shaqeynaynaa waanuna ka shaqaynay, Xuduudkuna waa Ammaan oo qoladii soo gashayna way iska noqdeen wax dhib oo weyna kama tagin.”

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY