Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Oo Ka Hadlay Xaaladda Gobolka Awdal iyo Suldaanka Falaagoobay

0
932

Hargeysa, (HargeisaPress) — Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami, oo ka mid ah Xubnaha Wasiirada ah ee Xukumaddu Gobolka Awdal ugu dirtay dejinta Xiisada uu Suldaanka falaagoobay ka abuuray Gobolkaasi ayaa sheegay in dejinta Xiisadaasi ku dhaw dahay Gabogabo. Waxa uu sheegay inaanay wax wada xaajood ah la samayn Suldaanka balse ay u direen Madaxdhaqameedka Gobolka Awdal.

Wasiir Caddami oo ugu horayn ka hadlaya Baaxadda aragtida Suldaankaasi bixiyey ku dhex leedahay Bulshada Awdal waxa uu sheegay in Masuuliyiinta si fiican loogu soo dhaweeyay Gobolka Awdal , dadka qaba rayiga Suldaankuna yihiin Shakhsiyaad “Cudurka la weynaynayaa maaha mid dadku u dhan yahay ee waa mid Shakhsiyaad ku kooban ee maaha Cudur fiday, waxaana fiican in Dhibaato walba intii la Naaxin lahaa ama la buunbuunin lahaa loo daayo Cabirka ay leedahay” ayuu yidhi Wasiir Caddami.

Wasiirka Gaashaandhigu waxa uu difaacay Ciidamada Qaranka ee degaamada Suldaanku ku sugnaa la geeyay oo dadka qaar ku baaqay in dib loo soo qaado “Ciidanka qaranku waa Jundullaahigaa,meeshii alle meeshii hawli ka gashana way tagayaan, Meelaha ay tageena ilaa maanta meel laga soo cawday oo ama dhaqan xumi ama tacadi kale ay ka sameeyeen ma jirto.Baal dahab ah ayay Qaranka Somaliland kaga qoran yihiin,meelkasta oo qaranku uga baahdana way tagayaan” Ayuu yidhi Wasiir Caddami.

Wasiir Caddami waxa uu sheegay inaanay wada Hadal toos ah la furayn Suldaanka la sheegay inuu Ciidan ku urursaday Xuduudka Ethiopia iyo Somaliland “Suldaanka wax weyn baa noo dhexeeya anaga, Suldaan aanu anagu u tagaynaana ma jiro, ee waxaanu la shiray Dadweynaha iyo madaxdhaqameedka degaanka, waxayna muujiyeen wanaag, dedaalna way wadaan, wayna soo afjarmaysaa oo laba bari qaadan mayso.

Sida aan anigu xogogaal u ahayna inta hadhayna si dhakhso ah ayay u dhamaanayaan oo wanaag iyo is afgarad bay ku dhamaanayaan.dadka degaankaas degaana diyaar uma aha wax khalkhal galiya Nabad galyadoodii, wada shaqayntoodii, tacliintoodii iyo Jaamacaddahoodii, Caafimaadkoodii oo ay Gobolo badana kaga horumareen. Rag maanta dib u noqonaya oo waxyaabihii dad badan wakhtigu kaga lumay maaha oo Cuduradaas mar dambe saadsanaya, markaa Ninka hadda mandaqadaba aan joogin anaga wada hadal toos ah wakhtigu nooma saamaxayo laakiin dad nooga faro dhuudhuuban ayaanu u dirnay oo mar iyo lababa way is arkeen arintan iyo hadalka uu yidhina waa la soo gabogabaynayaa oo waa laga dabatagayaa” ayuu yidhi Wasiir Caddami.

Suldaan Abiibakar Cilmi Wabar ayaa hadal ku saabsan inuu Somaliland ka goosanayso islamarkaana Maleeshiyo Urursanayo ka sheegay Gobolka Awdal mudo todobaado laga joogo, arintaasi oo xiisad ka abuurtay Gobolka islamarkaana Bulshadu ka cabatay Ciidamo halkaasi ay Xukumaddu u dirtay.

 

LEAVE A REPLY