Wasiirka Gaadiidka Itoobiya Iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo Hargeysa U Yimid Isticmaalka Dekedda Berbera

0
1036

Hargeysa , (HargeisaPress) — Wasiirka gaadiidka Itoobiya Axmed Shide iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa shalay soo gaadhay magaalada Hargeysa.

Weftigan uu wasiirka gaadiidka Itoobiya hoggaaminayo oo maalmo ku sugnaan doona magaalada Hargeysa ayaa waxa ujeedada safarkiisa lagu sheegay inay la xidhiidho qorshaha ay dawladda Itoobiya ku doonayso inay isticmaasho dekedda Berbera oo laga siiyay saami maalgashi oo dhan 19%.

Weftiga oo uu madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, ayaa waxa la filayaa inay kulamo la yeeshaan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada si loo hirgeliyo isticmaalka Itoobiya ee dekedda Berbera.

LEAVE A REPLY