Wasiirka Duulista oo Xadhiga Ka Jaray Mashaariic Cusub oo Lugu Soo kordhiyey Madaarka Caalamiga ah ee Egal Airport + SAWIRRO

0
1246

Hargeysa , (HargeisaPress) —Wasiirka Duulista  Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Farxaan Aadan Haybe oo ay wehelinayaan Wasiirudawlaha Wasaaradaas, Agaasimaha Guud, iyo Maamulaha Madaarka  ayaa xadhiga ka jaray qalab cusub iyo dhismeyaal cusub oo lagu soo kordhiyey madaarka caalamiga ah ee Egal Internation Airport.

Qalabkan cusub ayaa waxa ka mid ahaa qalab dhanka ammaanka wax ka tari doona iyo dhisme cusub oo lagu soo dhaweyn doono dadka soo degaya, kaasi oo fududayn doona mashquulkii ka imanayey dhoofayaasha iyo soo degayaasha.

Wasiirka Duulist iyo hawada Farxaan Aadan Haybe oo ka hadlay munaasibada xadhiga lagaga jarayey labadan Goobood  ayaa sheegay inay ka mid tahay himilooyinkoodii qayb ka mid ah oo u hirgalay, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “ILAAHEY ayaa ugu horeyn mahad leh, sharaf weyn iyo farxad ayey maanta noo tahay inaynu barnaamijkan ku daah furno muhiimada uu u leeyhayna madaarka aynu ognahay inaga oo odhan karayna sidii masuuliyiinta hore sheegeen madaarku waxa uu la jaanqaadi karaa madaarada aduunku sida ay u shaqeeyaan waa qayb ka mid ah in la kordhiyo oo la tayeeyo amniga madaarka iyo in lala socdo oo la dhiirigaliyo dadka inoo imanayaa si ay u noqoto meel la aamini karayo amnigeeda, waxa ay ka mid tahay uun dedaalada la waday ee loogu talo galay in la tayeeyo hab u socodka gaadiidka galaya madaarka waayo waa aynu ognnahay mandaqada aynu ku noolnahay khatarta amni ee ka jirta , waan u mahadcelinayaa runtii Shirkadaha   SRM iyo masuuliyiinta kale, waxaanay ka mid tahay himilooyinka aanu lahayn inaanu gaadhno oo ay tani ka mid ahayd, waxaanan filayaa inay fududayso hawshii ciidanka boolisku muraayada gaadhiga hoosteeda ku eegayeen ee wakhtiga badan ka qaadanaysay, shandada madaarka Hargeysa ka dhoofta waxa ay toos uga degtaa garoomada caalamiga ah iyada oo baadhisteeda lagu kalsoon yahay”.

Wasiirka ayaa sidoo kale mar uu xadhiga ka jarayey qaybta Soo dhaweynta ee afka Qalaad loo yaqaano VIP Business glass-ka hadal uu ka jeediyey ayaa waxa u yidhi “Sharaf weyn ayey noo tahay in maanta qaybtan aanu furno, waxaananu uga mahadnaqaynaa shirkadaha kala duwan ee gacanta weyn ku lahaa si gaar ahna shirkadaha ugu dhaw ee adeega madaarka kala shaqeeya ayaan u mahadcelinayaa ha noqoto shirkada SRM iyo shirkadaha kaleba intaan joogayna wax badan ayey la qabteen wasaaradda, adeegana waxa uu ka mid yahay adeegyada aynu kula jaanqaadayno madaaradda caalamiga ah oo tab kasta oo aynu ku suurtogalayno ay waajib inagu tahay inaynu samayno awoodeenuba ha iska xadidnaatee”.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Duulista iyo Hawada Cumar-Sayid Cabdilaahi Aadan ayaa khudbad uu madasha ka jeediyey ayaa waxa uu yidhi “Sidaa la sheegay maanta waxaanu halkan ku daah furaynaa qalab cusub oo loogu talo galay in lagu hubiyo badqabka gaadiidka madaarka isticmaalaya oo markii hore gacanta lagu baadhayey”

Agaasimaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Qaybtan kale ee aanu maanta soo kordhinay waa qayb ay ku nasanayaan dadka soo dagaya, iyada oo ay waajib noqotay inaanu kala saarno dadka dhoofaya iyo dadka soo dagayaa wadooyinka ay maraan”.

Maamulaha madaarka Maxamed Yuusuf oo isna goobta ka hadlay “Maanta waxa aynu xadhig ka jarnay adeeg cusub oo qaybta soo dhaweynta heerka sare ee ganacstada ee afka qalaad lagu yidhaahdo VIP Business glass-ka oo aaduunka ciddii dhooftay ama Dubai oo kale aragtay sida adeega loo yaqaano Marxaba oo kale ayuu adeegani la mid yahay”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here