Wasiirka Duulista oo ku Wareejiyey Wasaarada Caafimaadka Gaadhi Ambulance Ah oo Loogu Talo Galay Degmada Cadaadlay

0
1156
Gaadhi Ambulance Ah oo Loogu Talo Galay Degmada Cadaadlay

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haybe ayaa ku wareejiyey Wasiiru Dawlaha Wasaarada Caafimaadka Maxamed Aadan Jaamac (Galaal) Gaadhi  Ambulance

Ah oo loogu talo galay Degmada Cadaadlay ee Gobolka Maroodi-jeex, gaadhigan ayaa waxa iska kaashaday soo iibintiisa Wasaarada Madaxtooyada, Wasaarada Maaliyada, Wasaarada Duulista Hawada iyo G/C, munaasibad kooban oo lagula kala wareegayey Gaadhigaasi, ayaa lagu qabtay gudaha xayandaabka Wasaarada Caafimaadka, waxaana ka soo qayab galay Wasiirka Duulista, Wasiiru Dawlaha Caafimaadka, Maayarka Degmada Cadaadlay, Sulaadiinta Deegaanka degmada Cadaadlay, iyo Masuuliyiin kale.

Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haybe oo ku wareejinaya Gaadhigaas Wasiiru Dawlaha ayaa yidhi:- “ Degmada Cadaadlay oo degmo qadiima, qiimo weyana u leh bulshada qaranka Somaliland, in aynu MCH-keedii iyo Caafimaadkeedii u helno Gaadhi  Ambulance ah, ama u adeege caafimaad, oo ay halkan ku wareejino Wasaarada Caafimaadka aniga oo ka wakiil ah, Wasaarada Madaxtooyada oo runtii hawshaasi suuro galisay iyo dabcan Wasaarada Maaliyada, waxaan jeclahay Wasiir Wasiirudawle in aad nagala wareegto dabeed ad adigu si sharci ah ugu wareejiso Degmada Cadaadlay oo Gudoonkeedii halkan uu maryo .”

Wasiiru Dawlaha Wasaarada Caafimaadka  Maxamed Aadan Jaamac (Galaal) oo gaadhigaasi la wareegay ayaa yidhi:- “ Gaadiidkaas deddega ah ee gurmadka caafimaadka ee nalugu soo wareejiyey , waxaan aad ugu mahad naqayaa Wasiir Faraxaan oo dadaal badan u galay, gaadhigaa sidii loo heli lahaa albaabo badana garaacay, waxaan  sidoo kale u mahad naqayaa Wasaarada Madaxtooyada iyo ta Maaliyada iyo Ta Duulista Sadexduba way guuleen, oo inta aya isku dareen ayay  Ambulance-kaa Degmada Cadaadlay u  soo qorsheeyen.”

Maayarka Degmada Cadaadlay Cumar Nuur  Xuseen oo gaadhigaasi kala wareegay Wasiiru Dawlaha Caafimaadka ayaa yidhi:-“ baahidii aanu ka qaylinaynay kol hadii ay gacantayada soo gashay Gudoomiye ahaan, waxaan balan qaadayaa, in aan ilaaliyo gaadhigaas, dardaarankii aad halkaa iga farteena aan fuliyo.”

Suldaan Maxamed Cabdi C/laahi oo ka mid ah Sulaadiinta Deegaankaas ayaa isna u mahada naqay intii ka soo shaqaysay Gaadhigaas keenidiisa, waxaanuu  yidhi:- Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada, Wasiirka Wasaarada Maaliyada, iyo Wasiirka Wasaarada Duulsta oo dhamaantoodba u hawl galay sidii ay cadaadlay u helilahayad gaadhigaas Ambulance-ka ah ee maanta nalugu wareejiyey oo aad loogu baahnaa, waxaan u mahad naqayaa cid kasta oo ka soo shaqaysay.”

Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan  oo isna ka mid ah Sulaadiinta Deegaankaas ayaa la dardaarmay Masuuliyiinta degmada Cadaadlay, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa:- “Degmada uu tagaayo saaka Ambulance-kaasi waxa weeye, waa la idin soo gaadhsiiyey gaadhigii oo waa kaa dabadayada taagan, wuxuu u baahan yahay in la ilaashado, oo baahida loo koonay oo kaliya loo isticimaalo.”

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY