Wasiirka Duulista Hawada Oo Maalmihii U Dambeeyay Noqdey Maayarka Caasimada Hargeysa iyo Fadeexada Ka Taagan Dhulka Uu Qeybiyay Ee Masalaha

0
1013

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa, maalmihii u dambeeyay la sheegay in uu faraha la galey howshii Maayarka Caasimada Hargeysa oo wakhtigan socdaal ugu maqan dalka dibadiisa islamarkaana, qeybiyay baloogyo dhul ah oo kamid ah dhulkii kasoo hadhey xayndaabka Madaarka Caasimada Hargeysa ee loo yaqaan gaas(M),ee masalaha.

Waxaana la sheegay in howlawdeenada Agaasimayaasha ka ah Wasaarada duulista Hawada Somaliland,iyo maamulka madaarku ay isku badeleen maalmahan u dambeeyay Agaasimayaashii Qorsheynta dhulka iyo joomitarada D/hoose ee Caasimada Hargeysa, iyadoo ay halkaa ka baxdey awoodii Maamulka caasimadu kadib markii, xubno Wasiirada Madaxweynaha kasoo jeedaa ay u awood sheegteen Maayar kuxigeenka iyo Maamulka D/hoose ha ugu horeeyo Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi,ilaa iyo hada howshaasi waa mid socota oo qorshaheedu ka socdo Xarunta Wasaarada Duulista Hawada Somaliland, ee kutaala nawaaxiga Madaarka Caasimada, iyadoo dhulkani kamid yahay dhulkii ay deganaayeen dadkii ku ahaa nawaaxiga madaarka ee uga guurey intii xaeyndaabka madaarku qabtey taas, oo intii xayndaabka ka baxsaneyd ee dadka danayarta ahi deganaayeen uu yahay dhulka uu qeybinayo Wasiisrka Duulista Hawadu,wararku waxa ay intaa ku dareen in arintan ay Wasiirka ku wehelinayaan xubno kamid ah Gudidii lakala direy ee Beesha Ciidagale kuwaas oo Maxamuud Xaashi u howl fududeeyay Qorshahan uu ku qeybinayo dhulkii danyarta,dhulkan oo ah dhul intiisa badani sharciyaysan yahay oo D/hoose ee Caasimada Hargeysa sharciyaysay islamarkaana, uu hore Madaxweyne Siilaanyo uga soo saarey Digreeto Madaxweyne.

Wasiirka duulista hawadda Maxamuud Xaashi Cabdi
Wasiirka duulista hawadda Maxamuud Xaashi Cabdi

 

Wararka kale ee HargeisaPress.com ka helay qorshahan cusub ee Wasiirka Duulista Hawadu ku faragaliyay shaqadii Maayarka Caasimada,ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin shirar hoose oo Madaxtooyada ka bilaabma kow iyo tobanka habeenimo wixii ka dambeeyay, shirarkaas oo ay inta badan goob joog ka yihiin Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Kan Duulistu islamarkaana,shakhsiyaadka kooban ee dhaqdhadhaqaaqiisa la socdaa ku macneeyeen in ay ku saleysan yihiin arimo dhinaca beesha Madaxweynaha iyo sidii looga faa,ideyasn lahaa mudada kooban arimo badan oo dhulka la qeybinayaa qeyb ka yihiin.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

 

 

fikirkaaga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here