Wasiirka Duulista ee Wargeysyada Ammaantiisu Buuxisay Waa Kuma?

0
944

Aniga oo aha da’yarta Somaliland markasta diyaarka u ah inay wax ka qoraan wixii gef iyo khalad ah ee ay siyaasaddu geysiiso Dadka ku dhex jiraa inay ku maaweeliyaan Bulshada ay xukumaan ama codka ka doonayaan, isla markaana diyaarka u ah inay hogo-tusaaleeyaan taariikhda ay soo dhex mushaaxeen.

Haddaba, waxa igu kalifay maqaalkaygan, markii aan joornaallada ka soo baxa caasimadda Hargeysa aan ku arkay cinwaan looga dhigay; “Wasiirka ugu waxqabadka badan ee kalsoonida shacabka haysta wuxuu noqday Wasiirka Maxamuud Xaashi.” Waxa sidii milxida rashinka loo darayey la raciyay shan Wasiir oo laba darajooyin yihin saddexna dhexda ah, kuwaas oo kala ah;

  1. Axmed Cali Cadami oo darajo bixinta Wasiirro ka horeyey bixin kari wayeen ku magacbanaa wixii kalana tariikhada sheegi.
  2. Faraax Cilmi Geedoole isogona bariiskii ugu horreeyey dalku yeesho wixii kalana taariikhdaa qori
  3. Sheekh Khaliil waa Xoghayntii gaar ahayd ee Siilaanyo xilligii SNM maanta waxa qabtay wadaadi ninba meel carayay ayuu meel isugu keenay iyo masaajidaddii oo meel la isugu keenay ee mid ba mar eedami jiray wixii kalana tariikhada sheegi
  4. Sacad Cali Shire waa Wasiir qurbo-joog ah, waana gooni-socod gadhi dawaldeed iyo boolgaadh aan kaxaysan, shirkii tolkiina ee Dan iyo Duco waa kiii badheedhihisa aan oggolaan.
  5. Samsam Cabdi Aadan annaga xagayga xumaan nagama mudna, laakiin iyada iyo habalaha xillka haya dalka waxaan dumar laga filayn ayey qabteen, intii kalena taariikhda ayaa sheegi.

Intaa iyo hogo-tusaaleyn iga dheh, oo aan u soo noqdo Wasiirka Duulista ee samada lagu shareeray amaantiisa iyo waxqabadkiisa, hadda waa Maxamuud Xaashi. Marka hore Saddex Wasiir oo Ilma Xaashi ah ayaa xil loo wada dhibay xukuumaddii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) ee 2010 xilka kala wareegtay Madaxweynihii ka horreeyey ee Daahir Rayaale, kuwaas oo kala ahaa Maxamed Xaashi Cilmi oo ahaa Wasiirkii Maaliyadda oo intuu miisaaniyadda dalka keligii gaadhsiiyey iyo halkii uu ka soo qaaday aanay cidi dafiri karayn, midna waxa uu ahaa Wasiirkii Xannaanada Xoolaha Axmed Xaashi Oday oo meelaha xoolaha laga raro iyo hadhka sayaladaha xoolaha oo Beri iyo Galbeed looga ma iman, balse maanta labaduba isku Reer bay noqon waayeeen, halka aad Maxamuud Xaashow ka noqday Beesha.

Maxamuud Xaashi waa run oo Burco Mayor ayuu ka ahaa xilligi shirkii nabadeynta beelaha Somaliland ee 1991-kii lagaga dhawaaqay Somaliland, lix casho kadib shirkaasna waxa ka dhacay Burco dagaal taariikhda galay ee car ayaa odhanya wa been beeshu way joogtu tarkhiduna waygashay .

Maxamuud Xaashi waa run oo waxa uu ahaa Xildhibannada ugu da’da yaraa ee Gobolka Togdheer kasoo galay Baralamaanka waqtigaas oo ahaa Nin qiiro reero nacaybnimo ay ku jirto ayuu ahaa oo neceb Reerkii xilligaa talada hayay oo ee uu ka soo jeeday Madaxweynihii geeriyooday ee Marxuun Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal (Allaha u naxristee). Waa ninkii isagoo masuuliyidi uu hayay aan garanayn, Madaxweynaha ku yidhi; “Xukumadaadu waa wada beel qudha oo Habar-awal ee liis Agaasimo-waaxeedyo ah, Agaasimayaal Guud ah iyo Wasiirro soo tiriyay iyo shaqaale hoosaadyo.

Illaahay ha hu naxariste Marxuunkuna uu ugu jawaabay; “Usaama ayaa Golaha Wakiillada idin dhex fadhiya.” Waqtigaas Usama cidi may aqoon wuxu golo iyo wuxu gudo maalintii buu Maxamud bilaabay inuu sacadba gadhi fuulo maalin dhan u kala beddelo babuurta. Waxa isna yidhi Madaxweynuhu ayuunu hadline u jawaab, oo yidhi kastanka wajaale lacagta ka soo baxda Yiroowe ayaa mushahar loo qaato, Ina Cigaalna Alle ha u naxriste adeer kadaa ayuu ayuu ku yidhi oo suuf iyo xanjo ayuu isku nabayey. Maxamuud xaguu ku dembeeyay firxadkii. Taariikhda ayaa sheegi.

Maxamuud waa ninkii sida qawan u laaaa goobtuu waa goobtii Ragu waa Raggi xilkuna waa xilkii ee isagoo Tv fadhiya marag looma doonayo. Sidoo kale, waa Ninkii yidhi madaarka Hargeysa waxa dhigayaa dhexda oo guddida qandarasyda garoonka oo indeerkii haysto ayaa lagu kala hadhayaa, waa tii lagu dhawaqay qandaraskii China helay ciddii ismay waydin ilaa iminka ciddi ma hadalayso, laakiin nin beeshiisa ah oo Cumaani la yidhaa ayuu noqday kii barbarna Itoobiyaan ayuu ahaa ayaa la ydihi waaba loo wada joogi.

Maxamuud waa cirka Somalia iyo Somaliland ka s/lkeeni jiree cirkii ma Somalia ayaa u hadhay.

Maxamuud inu wali cadho reer nacayb ku jiro madarka cigaal 30 tallaabo ayuu u jira madaxda masuuliyinta laamaha dawladda ee Cigaal Airport mid loogu yimi mooye towradu ugu dheertay waa wada beeshiisa, shacabka ayaa ma marag furi, waa lix sarkaal iyo kuxigeen taariikhda ayaa sheegi, ma jecli inaan sii wado.

Maxamuud madarada Berbera iyo Hargeysa marku Warrancadde ayuu kala wareegay maanta Cigaal Airport qudha ayaa shaqeeya dadka ayaa i marag furi, waran cade waa Wasiirkii diiwangalida la dhaafii waayay UDUB-na wuu ahaa, wax badan tariikhada ayaa qori oo khuseeya Wasiirka ismahadshay isaga iyo beeshisa wax badanoon ogahay madasha keeni mayo malinteeda ayaa la sugyaaa.

Inanka maqaalka magaca colaadeed sitona wax ba aqaaano ee taariikhada dib ugu noqo aniga cida amaanta loo xambaariye ayuun baa ku socdaa.

 

Garyaqaan: Cabdiqaadir Maxamed, Tell: 0634422507, email: jiciir_law99@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here