Wasiirka Diinta Oo Dawladda Yemen ka Gudoomay deeq ay soo gaadh siisay Somaliland

0
1251

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Somaliland ayaa maanta ka gudoomay dawladda Yemen Deeq isugu jirta Timir, Kutub qur’aan iyo waxyaabo kale, taasi oo la sheegay in loo tallo galay dadka danyarta ee goboladda bariga Somaliland gaar ahaana Laascaanood iyo Buuhoodle.

Deeqdaasi oo ay sideen laba Diyaaradood ayay maanta ka soo dejiyeen garoonka diyaaradaha magaaladda Hargaysa Egal International Airport, deeqdaasi ayaa ka kooban 5 Tan oo Timir ah iyo 1000 Kitaab oo Qur’aanka kariimka ah.

Sheekh Khaliil C/laahi Axmed, oo ka dib markii uu deeqdaasi ka guddoomay masuuliyiintii siday halkaasi ka hadlay ayaa uga mahad celiyay dawladda Yemen caawimadani ay soo gaadhsiiyeen.Waxaana uu sheegay in deeqdani Timirta ahi ay tahay mid hor dhac ah, isla markaana ay filayaan in dhawaan timir intaasi ka badan la soo gaadhsiin doono.

isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaa saaka halkan garoonka diyaaradaha magaaladda Hargaysa Egal International Airport, ka soo degay laba diyaaradood oo ka soo duulay dalka Yemen, kuwaasi oo siday deeq Timir oo hor dhac taasi oo dhan 5-Tan iyo 1000-kitaab oo qur’aanka kariim ah, oo ay ugu tallo galeen in dadka Soomani ay ka faa’iidaystaan. Anaguna waxaanu halkan uga mahad celinaynaa Mu’asasadaasi la yidhaahdo Mu’asastu Jaahiratu Bil Xaq, oo uu leeyahay nin Yemeni ahi, ninkaasi ooh ore dalka u soo maray, waxa uu soo diray 1000-kaasi kitaab ee Qur’aanka ah iyo Timirtaasi oo uu ka soo qaaday Mu’asastu Jaasiya oo ah Mu’asasad yemen ah oo isaga soo martay”.

Wasiir Khaliil, waxa kale oo uu sheegay in ay xukuumad ahaan uga mahad celinayaan dawladda Yemen iyo xubnaha mutadawiciinta ah ee kaalmadaasi soo diray, waxaanu tilmaamay in haddii deeqdaasi la soo marin lahaa dhinaca Badda ay ka kharash yaraan lahayd balse sababta ay diyaaraddaha oo ka kharash badan u soo saareen ay tahay sidii si dhakhso ah dadka loogu tallo galay loo soo gaadhsiin lahaa.

Waxaanu intaasi raaciyay Wasiirku in sidoo kale dhawaan la filayo in deeq kale oo intan ka badan ay hay’adahan caawimadda ee Yemen soo gaadhsiin doonaan Somaliland, taasi oo uu tilmaamay in marka ay soo gaadho ay u qaybin doonaan goboladda loogu tallo galay.

“Waxaanu mar labaad uga mahad celinaynaa khayrkaasi iyo wanaagaa uu dadka reer Somaliland ee walaalihii ah ee sooman uu soo gaadhsiiyay, waanu ognahay haddii la soo marin lahaa Badda deeqdaasi in ay ka fududaan lahayd, kana bad-naan lahayd, laakiin sababta uu u soo saaray diyaaradda oo ka kharash badan waxa weeyaan u jeedadu in uu gaadhsiiyo hadyadan iyo taakuladan dadka walaalahood ah ee reer Somaliland ee sooman, gaar ahaana kuwa ku nool goboladda bariga ee Sool iyo Buuhoodle oo loo soo diray deeqdani. Waxaanu rejaynaynaa kuwa danbe ee uu ku tallo galayna in aanu gaadhsiin doono kolba inta ay gaadho” ayuu yidhi Wasiirku.

Mucaawimadani ayaa la filayaa in maalmaha soo socda lagu wareejiyo badhasaabka gobolka Sool iyo sidoo kale masuuliyiinta xafiiska Samo-falka ee gobolka Sool, si ay deeqdaasi ugu qaybiyaan dadka loogu tallo galay.

Sidoo kale deeqdaasi ayaa la sheegay in dadka danyarta ah ee ku nool goboladda Sool iyo Buuhoodle loogu qaybin doono sida ay u kala jilicsan yihiin qoysasku.Waa markii u horaysay oo dawladda Yemen ay deeq noocaasi oo kale ah soo gaadhsiiso Somaliland.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY