Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Oo Tabobbar U Furay Macallimiinta Maddarasadaha

0
751

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo awqaafta  Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa maanta tababbar u furay macalimiinta wax ka dhiga mederasadaha dalka.

Tababarkani oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa  macalimiinta aqoontooda kor loogu qaadayo oo ay  tiradoodu gaadhaysay ilaa  200  (laba Boqol) oo macallin waxay  ka kala socdeen Maddarasadaha dalka ee heer qaran.

Waxaana tababarkaasi lagu qabtay xarunta wasaaradda diinta iyo Awqaafta ee magaalada Hargaysa, waxaana ka soo  qaybgalay wasiirka  Maaliyadda Sacad Cali Shire, Agaasimaha guud ee wasaaradda diinta iyo awqaafta  Sh. Aadan Cabdillaahi Cabdalla.

Madaxda waaxyaha wasaaradda awqaafta, Masuuliyiinta Jimciyadaha Maddaarisku ku midaysan yihiin qaarkood, Culimo Aqoonta Diinta ku xeel-dheer oo tabobbarka bixinaya, Macallimiinta iyo masuuiyiin  kale.

Wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, oo tababbarkaas si rasmi ah u furay, ayaa  kula dardaarmay Macallimiinta Qur’aanka iyo Culuunta diiniga ah dhiga.

Isagoona ka warramay muhiimadda Qawlka Eebbe ee Qur’aanku leeyahay iyo masuuliyadda Islaamka ka saaran.

“Mustaqbalka umaddeenu waxaa uu ku xidhan yahay hadba ubadkeenu sida ay yihiin gaar ahaan da’daasi yar ee ka bilaabanta laba jir ilaa siddeed jir inta u dhaxeysa.

Kuwaasoo dhab ahaantii uu ilmaha yari Indhihiisa ku daabacayo wixii uu dhagaha ka maqlo.  Waxaana ugu kheyr badan qofka ILLAAHEY Quraankiisa baray” ayuu yidhi wasiir Khaliil.

Geesta kale wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Sacad Cali Shire, oo  isna halkaas ka hadlay, ayaa talooyin u jeediyey Macallimiinta Maddarasadaha, oo uu ku tilmaamay barbaariyeyaasha ugu mudan ee bulshada, isla markaana looga baahan yahay inay Jiilal dhinaca Diinta ka dhisan soo saaraan.

Dr. Sacad Cali Shire isaga oo arrimahaasi ka hadlayay waxa uu yidhi “Qiraada iyo qoraalka waxaa ka mihiimsan barbaarinta, mustaqbalka qarankani waxaa uu noqon doono.

Waxaa u tusaale ah waxaa aad ku barbaarisaan carruurteena, idinku waxaa aad tihiin dhismayaal oo umadda ayaad dhisaysaan marka xil aad u weyn ayaa idin saaran”.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Diinta Aadan Cabdillaahi Cabdalla, oo furitaanka tababarkaasi hadal ka jeediyay ayaa   sheegay in tababbarkani yimid kadib markii wasaaraddu xog dhab ah ka heshay tirada Maddarasadaha afarta gobol ee Maroodi-jeex, Awdal, Saaxil iyo Togdheer oo ay diiwaangelisay maddaarista dalka  ka jirta.

Tiradda  macallimiinta wax ka dhiga iyo ardayda wax ka barata iyo sidoo kale baahiyaha kor u qaadista tobobbarrada aqooneed ee Macallimiinta, iyadoo taas ka jawaabaysana ay tobobbarkan diyaarisay wasaaradda Diintu.

Aadan Cabdillaahi Cabdalla,  oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaa aanu dhab ahaantii diwaangelinay oo aanu ka dhammeystirnay ilaa afar gobol oo ay ugu horeyso, gobolka Maroodijeex, Togdheer, Saaxil, iyo Awdal.

Taasoo si fiican noogu soo dhammaatay, dhawaanna aanu dooneyno in aanu ka hirgalino goboladda Sool iyo Sanaag, diwaangelintaasi.

Ujeedada aanu ka leenahay waxa weeyi in la hormariyo lana tababaro lana tayeeyo madaarista iyo macalimiintaba, afarkun iyo todoba boqol oo macalin ayaa ka qayb qaadan doona.

Labada boqol ee halkan fadhidaana qayb ayay ka yihiin, Insha ALLAAHU waa uu inoo socon doona, ujeedada aanu ka leenahayna waxaa ay tahay tayeynta macalimiinta”.

Waxa kaloo iyagna halkaa ka hadlay  agaasimaha Waaxda Maddaarista iyo Masaajiddada ee wasaaradda Diinta Sheekh Maxamed Macallin Aadan, Dr. Axmed Jaamac Ismaaciil iyo Sheekh Maxamed Aadan oo iyagu ka mid ah Macallimiinta Tabobbarka bixinaya.

Waxaanay sheegeen in tabobbarkani yahay mdi wax badan u kordhin doona Macallimiinta oo ku dabbiqi doona shaqadooda waxbarista da’yarta.

Tabobbarkan, ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee ay Wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland u qabato macallimiinta Maddarasadaha dhiga.

Iyadoo Wasaaraddu ku guulaysatay bilihii inna dhaafay ee sannadkan inay diiwaangeliso Maddaarista magaalooyinka Hargeysa, Boorama, Berbera iyo Burco, Ardayda wax ka barata, Macallimiinta dhiga-ba iyo Jimciyadaha ay Maddarasaduhu ku midaysan yihiin

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY