Wasiirka Degaanka Somaliland oo loo Xushay inay ka Qaybgasho Shirka Cimiladda Adduunka

0
913
Wasiirka Degaanka iyo Horumarinta Somaliland Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Bandare (Photo File)

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiirka Wasaaradda degaanka iyo Horumarinta reer Miyiga Somaliland Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Bandare, ayaa   lagu martiqaaday shirka caalamiga ah ee cimiladda adduunka oo sannadkan lagu qaban doono magaalada San Francisco, California, siday baahiyeen qabanqaabiyeyaasha shirkaasi.

Shirkan oo  socon doonaa 12-ka iyo 14ka Bisha fooda innagu soo haysa ee September, waxa  madaxda dalalka adduunka ee lagu casuumay  ay ku falanqeyn doonaan guulaha laga gaadhay isbeddelka cimiladda adduunka.

Waxa shirkan lagu wadaa inay ka soo xaadiraan masuuliyiin ka socda dawlado, saynisyahanno, ururro aan dawli ahayn iyo jaamacado, waxaana loogu talogalay inay  is weydaarsadaan fikrado iyo aragtidooda  labada maalmood ee shirku socdo.

Siday werisay wakaaladda wararka Somaliland ee  SOLNA,  shirkan waxa  lagu  soo qaadi doonaa sidii loo dhaqaajin lahaa caqabadaha hortaagan heshiiskii cimilada adduunka ee  hore loogu gaadhay magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

Shirkan waxa diirada lagu saarayaa qoddobo ay ka mid yihiin nidaamka tamarta iyo la qorsheeye koboc dhaqaale oo loo dhan yahay iyo qoddobo kale.

Warku wuxuu intaas ku daray in qabanqaabiyeyaasha shirkani ay 22 qof oo ka kala imanaya adduunka ay ku soo xusheen siday ugu ololeeyeen wax ka qabashada cimilada adduunka, waxaana Somaliland kaga jirta wasiirka degaanka iyo horumarinta reer miyiga Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Bandare.

Wasiirka degaanka iyo horumarinta reer Miyiga ayaa lagu majeertay  inay  Somaliland ka aasaastay   Ururka waddaniga  ee Candlelight oo ka shaqeeya badqabka degaanka, cuntada iyo caafimaadka guud.

Waxa kaloo qabanqaabiyeyaasha shirkan caalamiga ahi  ay  warbixintooda ku sheegeen in Wasiirka degaanka iyo Horumarinta reer Miyiga  marwo Shugri Bandare ay horseed ka ahayd qorshihii xukuumadda Somaliland ku mamnuucday isticmaalka bacaha iyo samaynta siyaasadda degaanka ee qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here