Wasiirka Daakhiliga Somaliland Oo Ka Digay Roobab Dabaylo Wata Oo Dalka Ka Da’aya

0
692

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaarradda arrimaha jamhuuriyadda Somaliland ayaa uga digay shacab weynaha in ay ka digtoonaadaan Daadadka ka dhalan kara roobab dabaylo wata oo ka da’aya degaamo ka tirsan dalka.

Waxaanu wasiirku ugu baaqay dadka degan meelaha godanta ah iyo meelaha biyo mareenka ah in ay ka fogaadaan goobahaasi, iyadoo la filayo in khasaare u gaystaan daadadkaasi.

Maxamed Kaahin Axmed, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa waxa uu sheegay in degaamadda Maydh, Xiis iyo meello kaloo ka tirsan gobolka Sanaag ay waxyeeleeyeen roobab dabaylo watay oo xalay ka da’ay.

halkan Ka Daawo Shirka Jaraa’id Ee Wasiirka Daakhiliga:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY