Wasiirka Ciyaaraha Somaliland Oo Sheegay Inaanay Suuro Gal ahayn in Garoomo iyo Goobo Taariikhi ah la Iibiyo, Badhasaabada, Maayarada Farriin u Diray

0
1087

Wasiirka Ciyaaraha SomalilandHargeysa,(HargeisaPress) — Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal ayaa sheegay inaanay Jirin Dhul Dan guud ah oo la Iibinayo iyo sidoo kale Goobo taariikhi ah oo la Iibinayo ka dib Eedaymo isdaba joog ah oo wax garadka Burco ka soo yeedhayay mudooyinkii u dambeysay. Wasiirku waxa uu Badhasaabada iyo Maayirada dalka la socodsiiyay in Dhalinta maantu u baahan tahay Garoomo iyo goobo ay ku Ciyaarto.

Hadalka Wasiirka ayaa imanaya iyadoo Mudooyinkii u dambeeyay Dawladda hoose ee Burco lagu Eedaynayay inay Ganacsato ka Iibinayso Garoonka Basketbal-ka ee Sheekh Bashiir oo Suuqa Burco ku yaala.

“ Waxaa Maalmihii u dambeeyay Dalka iyo Dibaddaba nalaga soo waydiinayay, wasaaradda Ciyaaruhu ma waxay Iibinaysaa Garoomo iyo Dhulkii Asaarta Qadiimiga ah iyo Taariikhdu ku duugnayd oo la xaraashaya,Runtii Arintaasi oo aanay Waxba ka jirin oo ku tidhi ku teen ah, oo aan Suuro gal ahayn. Garoomada iyo Dhulka Danta guud ah ee Dhalin yarada Somaliland ku ciyaarto ama Goobaha Taariikhda Somaliland iyo Asaartu ku duugan tahay ee Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland waa mamnuuc in la Iibiyo, lama Iibin karo, lama degi karo sifo kalena looma adeegsan karo” ayuu yidhi Wasiir Cali Siciid Raygal.

Wasiirku waxa uu fariin u diray Badhasaabada iyo Maayarada dalka “ Dhamaan Maayarada, Badhasaabada iyo Umadda Somaliland waxaan leeyahay, Maanta dhalin yaradeenu waxay u baahan tahay Garoomo ay ku ciyaarto waxay u baahan tahay Meel aynu Tahriibta iyo Mashaakilaadka kaga saaro. Dhamaan Dhulka ay ku duugan tahay Taariikhda iyo Asaarta, waxaan leeyahay Badhasaabada, Maayarada iyo Bulshada Somalialndba waa in meel looga soo wada jeesto oo la ilaaliyaa.” Waxa uu intaasi Raaciyay Wasiirka Ciyaaruhu

“Dhamaan Ciidamada Booliska, Taliyeyaasha Ciidamada, Taliyeyaasha Saldhigyada, waxaa jira Dhul Bir-ma gaydo ah oo ay ka mid yihiin Garoomada lagu Ciyaaro, Dhulka lagu Ordo, dhulka Danta Guud ah ee Dhalin yarada loogu tala galay, Dhulka Asaarta Qadiimiga ah ee Taariikhdeenu ku Calaamadsan tahay, Runtii waxa loo Baahan yahay inaad Ilaalisaan.”

Hadalka Wasiir Cali Siciid Raygal ayaa imanaya iyadoo mudo Dhalinyaro, wax garad iyo Ehelada Mujaahid Sheekh Bashiir walaac ka muujinayeen Garoonka Basketball-ka Burco oo Dawladda hoose Iib la maagan tahay sida ay sheegeen.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY