Wasiirka Ciyaaraha Somaliland Oo Maanta Furey Shirkii 34-Aad Ee Ay Iskugu Yimaadaan Golaha Sare Ee Dallada Dhalinyarada Somaliland Ee SONYO

0
1607

Hargeysa, (HargeisaPress) —Kulankan oo ah kii 34aad ee ay isugu yimaadaan tan iyo intii dhidibada loo taagay dalladda dhalinyarada ee heer qaran ee SONYO, xubnaha golaha sare ee dalladdaasi ayaa Maanta si rasmi ah uga furmay Hoolka Shirarka ee xarunta Daladda SONYO ee magaaladda hargeysa.

Kulankan ayaa waxa kasoo qaybgalay wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland, Boos Mirre Maxamed, guddoomiyaha guud ee dalladdaasi, agaasimaha fulinta ee dalladda iyo sidoo kale agaasimaha waaxda dhalinyarada ee wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland.

Eng Cumar Cismaan Miigane Agaasimaha Fulinta Dallada Dhalinyaradda SONYO ayaa, ugu horeyn halkaa hadal ka jeediyay, isagoo ka xogwaramey ahmiyada iyo kaalinta dhalinyaradu ku leedahay wakhti xaadirkan Bulshada Somaliland guud ahaan iyo doorka ay kaga qeyb qaadan karaan Hurumarka Somaliland.

“Kulankani waakii 34aad ee Golaha Sare ee Sideedaad ee Dallada Sonyo yeeshaan iyadoo kaltirsigiisa loo tiriyo tan iyo markii Dallada la aasaasey,waxaanu uga mahad celineynaa inuu nagala soo qeyb galo Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda Mudane Yuusuf Boos kulankan oo lagu falanqeeyo laguna qiimeeyo qorshihii afartii bilood ee tagey,Sidoo kalena Lgu Dajiyo Qorshaha Afarta Bilood ee Soo Socda”Ayuu yidhi. Agaasimaha Fulinta Sonyo

Waxa kale oo halkaa ka Hadley,Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhalinyaradda oo uga mahad celiyay Daladda Sonyo in ay kusoo marti qaadeen Kalfadhigoodii 34aad ee Golaha Sare ee SONYO,isagoo Wasiirku hoosta ka xariiqey in ay ka Wasaarad ahaan diyaar u yihiin wax alaale iyo waxa ay la qaban karaan Dallada iyo in ay kor u qaadi doonaan wada shaqeyntii hore.

agaasimaha waaxda dhalinyarada ee wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland, ayaa ka waramay ahmiyada ay dhalinyaradu u leedahay bulshada Somaliland iyo doorka ay ka qaadan karaan horumarka dalka.

Guddoomiyaha Dhalinyarada Dalladda Heer Qaran ee SONYO Cabdicasiis Siciid Saalax oo isna halkaasi khudbad ku aadan maraaxilkii uu soo maray kal-fadhiyada kala duwan ee golaha sare ee dalladdani leedahay iyo sidoo kale kal-fadhigani waxa uu kaga duwanaan doono,  “Dalladda dhalinyarada heer qaran ee Somaliland waxa ku bahoobay ilaa 56 urur oo dhamaan degmooyinka iyo gobollada dalka ka kala socda.

Waxay ku aasaasan yihiin ogolaanshaha dastuurka Somaliland ee ah in bulshadu ay samaysan karto ururo iyo madalo ay isugu yimaadaan. Sidoo kale waa madal maandheytkeedu yahay isxilqaan iyo isdirid ama waxa la yidhaa (Voluntarism). Dalladda dhalinyarada ee isu timid 2003-dii waxay isugu yimaadeen oo ay ku bahoobeen sidii ay wax u qaban lahaayeen, isla markaasina ay wuxuun u tari lahaayeen dhalinyarada jamhuuriyadda Somaliland. Ayuu yidhi guddoomiyaha dalladda dhalinyarada heer ee Sonyo, waxaanu intaasi ku daray “intaas oo sano wasaaradda keliya ee aanu lasoo shaqeynaynay waa wasaaradda dhalinyarada.

Intii aanu wadashaqeynayayna, maadaama aynu wadajir usoo samaynay qorshaha qaranka ee labaad qaybtiisa dhalinyarada, oo runtii wasaaradda iyo Sonyo ay ku guulaysteen inay ku daraan 21 maxsuul oo dhalinyarada shantaa sano la doonayo in noloshooda wax lagaga beddelo. In wasaaradda aanu kala shaqeynay siyaasaddii dhalinyarada lagu gaadhsiin lahaa in wax loo qabto. Kulankan oo kale ayaanu ugu talogalnay inaan wax ku eegno arimahaas.” Ayuu yidhi

Gabogabadii Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Yuusuf Mire Maxamed (Boos) oo isna dhankiisa hoosta ka xariiqay siday ka xukuumad ahaan uga go’an tahay garab siinta da’yarta iyo sidoo taageerida xubnaha golaha sare iyo guud ahaanba dalladda dhalinyarada heer qaran ee Sonyo, “dhalinyada uun baa wax bedesha adduunka, idinkuna waxaad haysataan wadan nabad ah, horumarka iyo shaqo abuurkana idinkaa laydinka doonayaa inaad keentaan, oo waxa idinka jira dhalinyaradii Intiative-ka ahayd. hore waanu usoo Discuss-garaynay, imikana ka xukuumad ahaan waxay diyaar u tahay inaydun kuwada shaqaysaan, intii aydun dadka ku maagayseen ee ahaa ‘hala helo Transparency iyo musuqmaasuq la’aan. ayuu yidhi wasiir Boos Mirre.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY