Wasiirka Caddaaladda Somaliland oo Tababar u Furay Cutub ka Tirsan Ciidanka Asluubta

0
988
Wasiirka wasaaradda Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland C/qani Maxamuud Caateeye

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiirka wasaaradda Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland C/qani Maxamuud Caateeye Fariid ayaa shalay tababar uga  furay dugsiga ciidammada ee Mandheera cutub ka tirsan ciidanka Asluubta  Somaliland.

Waxa munaasibadaas loo qabtay cutubyada ka tirsan ciidanka Asluubta ka hadlay taliyaha ciidanka Asluubta sareeye guuto Maxamed Cismaan Xudhuun oo ku soo dhaweeyey wasiirka dugsiga Mandheera, isla markaana faahfaahin ka bixiyey xubnahan ciidanka ah ee tababarka qaadanaya isagoo taliyuhu xusay in ay isugu jiraan laba qaybood oo kala ah qayb cusub iyo qayb laga  soo kala xulay ciidanka jeelasha magaalooyinka Berbera, Burco, Ceel-afweyn iyo Gar-adag.

Wasiirka Wasaaradda Caddaalada Somaliland Md. C/qani Maxamuud Caateeye ayaa ciidanka Asluubta ku hambayeeyey doorka shariifka ah ee ay ka qaataan nabadgelyada, isagoo si gaara u xusay in hawsha ay hayaan  tahay mid miisaankeeda leh oo ciidanka Asluubtu ay gacanta ku hayaan dadka sharciga khilaafay,  waxaanu ku booriyey in ay shaqadooda ku dabaqaan khibrada ay ka korodhsadaan tababarkaas.

Geesta kale, wasiirka caddaalada Somaliland ayaa  dhagax dhigay dhismeyaal cusub oo lagu kordhin doono xabsiga Mandheera, kuwaas oo wax ka tari doona baahidii dhinaca dhismaha ee xabsigaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here