Wasiirka Caafimaadka Oo Fashiliyey Cidda Soo Dirtay Diyaaradda Dawooyin Siday Ee Wasiir Cali Mareexaan Sheegtay In Uu Soo Iibiyey

0
1802
Wasiirada Xaglo toosiye iyo Cali Mareexaan

Burco, (HargeisaPress) —Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed “Xaglo-toosiye” iyo Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka gobolka Togdheer oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Burco ayaa fashiliyey cidda soo dirtay diyaaradd dawooyin siday oo shalay soo cago dhigatay garoonka Diyaaradaha magaalada Berbera taas oo uu Wasiirka hawlaha guud iyo guryeyntu sheegay inuu isago kaligii soo iibiyey uguna taloo galay dadka la il daran xanuunka Shuban Biyoodka ee ka dilaacay gobolka Togdheer.

Wasiirka Xaglo-toosiye oo arrinka diyaaraddan si siyaasadaysan oo duur xull ah uga hadlay ayaa waxa uu sheegay in deeqdan dawooyinka ah ay soo dirtay hay’add ka shaqaysa u gargaarida dadka tabaalaysan ee ay lasoo darsaan dhibaatooyinku isla markaana wada shaqayn la leh hay’addaha Laanqayrta Cas (Bisha Cas) taas oo lagu magacaabo ICRC loona Soo gaabiyey (International Committee of the Red Cross),waxaana uu sheegay in deeqdan dawooyinka ah ay ku timi codsi ay u direen hay;addaha samafalka qaabilsan.

Daawo Hadal Hayn ka dhalatay Daawooyin Burco la Geeyay !

Wasiir Xaglo toosiye ayaa sidoo kale waxa uu sheegay In iyaguna sidoo kale ay soo socdaan diyaarado kale oo ay soo direen hay’addo kala duwan oo ay la xidhiidheen wasaaradda Caafimaadka Somaliland isla markaana ay kamid tahay hay’adda WHO.

Dhinaca kale shalay ayay ahayd kadib markii ay diyaaradd siday dawooyinkan ay soo dirtay hay’adda ICRC kasoo dagtay garoonka diyaaradaha magaalada Berbera isla markaana uu wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeyntu uu sheegay in isagu u soo  iibiyey dawooyinnka noolka diyaaraddana uu bixiyey ganacsade reer Somaliland,hadalka wasiir Cali Mareexaan ayaa waxa burinaya dhawaaqan ay maanta kaga mahadcelinayaan wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed Xalo-toosiye  ka jawaabid ay baaqa ay u direen hay’adda ICRC oo ka shaqaysa u gargaarida dadka tabaalaysan.

advertisements

HargeisaPress News Desk — Berbera

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here