Wasiirka Beeraha Somaliland Oo Turkiga Kaga Qayb-galay Carwo Kulmisay 70 Dal Iyo Shirkado Caalami Ah + SAWIRRO

0
1411

Istanbul,(HargeisaPress) — Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Muumin Seed oo Socdaal shaqo ku jooga Dalka Turkigaa ayaa wuxuu Maanta ka qayb-galay Carwo Caalami ah oo lagu qabtay Magaalada Ismiir ee Dalkaasi.

Carwadan Caalamiga ah oo lagu soo bandhigo Dalagga, Agabka Beeraha iyo Xoolaha nool oo sannad kasta ka dhacda Dalka Turkiga.

Carwadan Caalamiga ah ayaa waxa ka qayb-galay Ganacsato iyo Dad ka kala socda 70 Waddan, sidoo kalena waxa ka qayb-qaadanaya 950 Shirkadood oo kala socda Dalalka Adduunka, kuwaasi oo soo bandhigayey wax soo-saarkooda Beeraha iyo Agabka Beerahaba.

Wasiirka Beeraha ayaa intii uu joogay Carwadan Caalamiga ah wuxuu kulan la qaatay Madaxa Waxbarashada iyo Tababbarrada Beeraha ee Turkiga, iyagoo ka wada-hadlay xoojinta iyo Horumarinta Beeraha ee Somaliland iyo Turkiga iyo sidii Somaliland looga caawin lahaa Horumarinta Beeraha.

Madaxa Waxbarashada iyo Tababbarrada Turkiga ayaa Hadyad wuxuu guddoonsiiyey Wasiirka Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidoo kale, Wasiir Axmed Muumin Seed oo uu Socdaalkiisa ku Wehelinayo Madaxa Mashruuca Beeraha Banka Wajaale ee Wasaaradda Beeraha Mowliid Xasan Cabdi, ayaa intii uu ku sugnaa Carwadaasi Caalamiga ah wuxuu kulamo la qaatay Madaxda Shirkadaha ka qayb-galay Carwadan, kuwaasi oo ka shaqeeya Agabka Beeraha iyo Wax soo-saarka Dalagga.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADDA SHIRKA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here