Wasiirka Beeraha Somaliland Oo Qaabilay Wefti Ka Socda Baanka Adduunka Iyo FAO, Kormeerna Ku Geeyay Mashruuca Wajaale

0
922

Hargaysa, (HargeisaPress) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Somaliland Md. Axmed Muumin Seed iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi Dr. Axmed Cali Maax, ayaa Maanta Qaabilay Wefti ballaadhan oo ka socda Baanka Adduunka iyo Hay’adda FAO.

Weftigan oo ka soo kicitimay Dalka Maraykanka ayaa waxa Gelinkii hore ee Maanta Qaabilay Wasiir Axmed Muumin Seed iyo Agaasime Axmed Cali Maax, kuwaasi oo si wanaagsan ugu soo dhaweeyay xarunta Wasaaradda Horumarinta Beeraha.

Soo dhaweyn ka dib, Wasiir Axmed Muumin Seed iyo Agaasime Axmed Cali, ayaa Weftiga uga warramay Dedaallada Horumarinta Beeraha ee Wasaaraddu Beeraha, gaar ahaan Mashaariicda Wax soo-saar ee Wasaaraddu illaa hadda ka hirgelisay deegaannada kala ah Banka Wajaale, deegaanka Xaaxi iyo deegaanka Beer ee Gobolka Togdheer, Mashaariicdaasi oo ay barbar socdaan Wacyi-gelin Dadweynaha lagu baraarujinayo inay si iskood ah beerahooda wax uga soo saaraan uga sameeyaan, taasi oo hirgashay isla-markaana maraysa meel wanaagsan.

Wasiirka iyo Agaasimaha guud, waxay si wada jir ah Weftigan ugu soo bandhigeen in Qorshaha Xukuumadda guud ahaan, gaar ahaana Wasaaradda Beeruhu yahay in Somaliland isku filaansho ka gaadho dhanka cuntada, sidaasi darteedna Hay’adaha Adduunka, sida Baanka Adduunka iyo FAO ay uga baahan yihiin inay doorkooda ka qaataan dedaallada ay Somaliland ku doonayso inay ku gaadho isku  filaansho dhanka Cuntada ah.

Weftiga Baanka Adduunka waxa ka mid ahaa Ayaz Parvez oo ah khabiir ku takhasusay Maaraynta khataraha Masiibooyinka, waxa kale oo ka mid ahaa Benjamin kusher, Nadim Saghia iyo Barbry Keller iyo Madax ka socotay Hay’adda FAO, kuwaasi oo ka mid ahaa Madaxa FAO ee Somaliland.

Dhanka kale, Isla gelinkii dambe ee Maanta waxa Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Md. Axmed Muumin Seed iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Dr. Axmed Cali Maax, ayaa waxay Mashruuca Banka Wajaale kormeer ahaan ku geeyeen Weftiga ka socda Baanka Adduunka iyo Hay’adda FAO.

Madaxda ka socotay Baanka Adduunka iyo Hay’adda FAO ayaa soo arkay Wax soo-saarka Wasaaradda Beeruhu ka fulisay Banka Wajaale, kaasi oo maraya Marxaladdii ugu dambaysey.

Wasiirka Seed iyo Agaasime Maax, ayaa waxa intii ay halkaa ku sugnaayeen waxay Weftiga uga warrameen Marxaladihii kala duwanaa ee Wax soo-saarka Banka Wajaale soo maray, waxayna u sheegeen in Dalagyada ka soo baxay Wajaale oo tijaabo ahaan u beereen, balse si wanaagsan uga soo go’een Hadhuudh, Galley iyo Heed, kuwaasi oo dhiirigelin u ah Masuuliyiin ahaan, Hawl-wadeennada Wasaaradda iyo guud ahaan Shacabka Somaliland.

Labada Masuul waxay Xubnaha Weftiga ee Baanka Adduunka iyo FAO u soo bandhigeen Noocyada Dalagyada ka soo go’ay  Wajaale, waxayna sidoo kale u sheegeen Mashaariicda kale ee Xaaxi iyo Beer iyo weliba Qorshayaasha kale ee Wasaaraddu kor ugu qaadayso Wax soo-saarka Dalka.

Waxa Xusida Mudan, Mashruuca Banka Wajaale ee Wasaaradda Horumarinta Beeruhu fulisay ayaa maraya Marxaladdii u dambaysay, waxaana la kala haadiyey hadhuudhkii halkaa ka soo go’ay, waxaana lagu bilaabay in kiishash lagu cabbeeyo.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here