Wasiirka Beeraha Somaliland Oo La Kulmay qaar kamida Ardayda Waxka Barta Dalka Turkiga + SAWIRRO

0
933

IZMIR,Turkey (HargeisaPress) — Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Md. Axmed Muumin Seed ayaa maanta la kulmay arayda Somliland ee wax ka barta magaalada IZMIR ee dalka Turkiga oo uu safar shaqo ku joogo.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somliland ayaa Ardayda uga warbxiyay xaalada guud ee dalka iyo Horumarka ay wado Xukuumada uu ka tirsan yahay,ardaydii ka soo qeybgalay kulanka ee wax kabarata Jaamacadaha Dalkaa turkiga gar ahaan magaalada IZMIR ayaa uga mahad celiyay wasiirka kulanka .

Qaar kamid ah ardayda kasoo qeybgalay kulanka oo su,aalo weydiiyay Wasiirka ayaa ku amaanay horumarka dhanka beeraha ee ay wado wasaaradiisu.

Wasiir  Axmed Muumin Seed ayaa shalay magaalada IZMIR ee dalka Turkiga kaga qaybgalay Carwo Caalami ah oo beeraha ah.Carwadan Caalamiga ah oo lagu soo bandhigo Dalagga, Agabka Beeraha iyo Xoolaha nool oo sannad kasta ka dhacda Dalka Turkiga.

Carwadan Caalamiga ah ayaa waxa ka qayb-galay Ganacsato iyo Dad ka kala socda 70 Waddan, sidoo kalena waxa ka qayb-qaadanaya 950 Shirkadood oo kala socda Dalalka Adduunka, kuwaasi oo soo bandhigayey wax soo-saarkooda Beeraha iyo Agabka Beerahaba.

Wasiir Axmed Muumin Seed oo uu Socdaalkiisa ku Wehelinayo Madaxa Mashruuca Beeraha Banka Wajaale ee Wasaaradda Beeraha Mowliid Xasan Cabdi, ayaa intaa u jooga dalka turkiga wuxuu kulmo la yeelan doona qaar ka mida Madaxda Turkirka iyo Jaaliyadaha Somaliland ee Dalka turkiga .

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADDA KULANKA ARDAYDA 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here