Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Socdaal Uu Tagey Dalka Itoobiya Kulamo La Qaatey Dhigiisa Dalkaasi Iyo Arrimaha Ay Ka Wada Hadleen + SAWIRRO

0
815

Hargeysa(HP) – Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Md:Cali Maxamed Waran Cadde uu wahelinaayo taliyaha ciidanka sirdoonka Somaliland, ayaa socdaal uu ku tagay magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya, waxaa uu kulan la qaatay wasiirka arrimaha gudaha ee dawlada Faderaalka Itoobiya Dr. Shiferaw Teklemariam,iyo madax sar sare oo ka tirsan dawlada Itoobiya.

War-saxaafadeed kooban oo goor dhaweyd soo gaadhey mareegta wararka ee HargeisaPress.com, waxaana uu war-saxaafadeedkaasi u dhignaa.

waran ade 3

War saxaafadeed-15/12/2014

Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo wasiirka Arimaha gudaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cali Maxamed warancade oo ay ku wehelinayaan Taliyaha sirdoonka Somaliland, Jaamac maxamed Botan, ayaa soo gaadhay magaalada madaxda Addis Ababa Ethiopia, iyaga oo ka soo kicitimay wadanka kenya magaalo madaxdiisa Nairobi, halkaasi oo ay ku tageen safar shaqo kulamana kula qaateen safaaradaha Maraykanka iyo Ingiriiska iyo madax kale.
war ade 3
Wasiirka iyo weftigiisu intii ay ku sugnaayeen Addis -baba waxay kulamo gooni gooniya la yeesheen madax sarsare oo ka tirsan xukuumada Ethiopia, sida wasiirka arrimaha gudaha iyo federal ka Dr. Shiferaw Teklemariam, Taliyaha guud ee cidamada Ethiopia, Gen samora yenus iyo maayirka Caasimada Addis Ababa mayor kuma demksa.

waran ade

kulamadan oo ahaa kuwo hore loo sii qorsheeyey waxaa lagu qaadadhigay xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee Ethiopia iyo somaliland sida nabadgelyada, horumarka, iskaashiga Kulamadan oo qaatay saacado badan waxaa si buuxda Laysula qaatay in la sii xoojiyo iskaashiga iyo wax wada qabsiga labada dal meelna looga soo wada jeedo wixii wax u dhimaya nabadgelyada iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah ee Ethiopia iyo somaliland iyo ta geeskaba.

Ayaanle salaad Deriye
Wakiilka somaliland ee Adid-ababa Ethiopia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here